Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Tehran(ANN)-Xukuumadda Dalka Iiraan, ayaa shaacisay inay dib u furay Masaajidada si ay dadku u gutaan cibaaddada, maadaama lagu jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan, balse furitaanka ayaa lagu xidhay shuruud, iyadoo dalka loo qaybiyay saddex Aag oo yeelanaya calaamado Wasaaradda Caafimaadku samaysay, kuwaas oo la xidhiidha caabuqa Coronavirus ee COVID-19.


Madaxweyne Hassan Rouhani ayaa sheegay in Iiraan loo qaybin doono saddex aag, iyadoo lagu saleynayo tirada COVID-19 caabuqyada iyo sida ay aag walba xaaladdu tahay, isagoo xusay in goobaha cibaadadda ee Masaajidada ay dib uga furan karaan aagagga loo asteeyey inay leeyihiin calaamadda caddaanka ah.

Mr. Hassan Rouhani, wuxuu sidaa ka sheegay, Isagoo ka hadlayey kulan ay ku yeesheen Xarunta Xarunta Qaranka ee Maaraynta iyo La Dagaalanka Coronavirus-ka ee Tehraan Axadii, wuxuu sheegay in Wasaaradda Caafimaadka ay soo saari doonto khariidado tilmaamaya “Caddaan”, “Hurruud”, iyo “Casaan”, waxaana calaamaddahaa loo qaybiyay dalka, iyadoo loo eegayo xaaladda Coronavirus.

Meelaha khadka caddaanka ah, ayuu sheegay in loo ogolaanayo inay dadku tegi karaan goobbaha cibaaddada ee Masaajidada iyo rugaha diinta ee kale, kuwaas oo loo ogolaan doonno in dib loo furo oo la guto salaadda jimcaha, iyadoo la raacayo tilmaamaha caafimaadka ee la soo saaray si loo xakameeyo cudurka faafa ee coronavirus.


“Berito haddii naloo sheego in magaalada Mashhad ay cad tahay, macnaheedu waa in Wasaaradda Caafimaadka ay soo gabagabeysay in ay caddaan tahay, labo toddobaad, ka dib masjidka barakeysan ee Imam Reza (AS) ayaa dib loo furi doonaa iyada oo ku saleysan nidaamka wasaaradda. ayuu yidhi.


Wasiirka Caafimaadka Iiraan, ayaa intaa ku daray, inay cayiman tahay maalinta aagagga khatarta ay caddaan noqonayaan, isagoo xusay in hadda qiyaastii 127 degmo – ay dib u furi karaan masaajidada oo ay salaadda Jimcaha ku ooggi karaan, iyagoo eegaya nidaamka caafimaadka oo ah in dadku xidhtaan Gafuur-xidhka iyo gamac-gashiga.


Madaxweyne Rouhani, ayaaa sidoo kale sheegay in ay tani tahay tallaabadii ugu horreysay ee furitaanka goobo diimeed oo dan weyn iyo ahmiyad weyn ugu fadhiya dadka, haddii Alle idmo, waxaan rajeyneynaa in aagagga caddaanka ay maalinba maalinta ka dambeysa sii ballaadhan doonaan oo aan yeelan doonno xaalado ka wanaagsan, waana in ay dadku ay dhawraan nidaamka ayuu yidhi .


Dhinaca kale, Madaxweyne Hassan Rouhani, ayaa ugu baaqay shacbiga Iiraaniyiinta inay caawiyaan dadkooda dhaqaale ahaan nugul inta lagu jiro bisha Ramadaan.


“Dabcan, dadkayagu marwalba way is caawiyaan markasta oo ay jiraan masiibooyin Daadad,, dhulgariir iyo dhibaatooyin kale. sidoo oo kale, wuxuu sheegay in bisha Ramadaan waa mid ka mid ah waqtiyadaas oo ay tahay inay dadku isu naxariistaan oo ay is caawiyaan, si ay uga baxaan dhibaatada, sida ay marka kaleba isku caawiyaan marka laga hadlayo dhibaatooyinka nolosha.

AKHRI: Iiraan Oo Daaha Ka Rogtay Tiknoolajiyad Caabuqa COVID-19 Lagu Oggaanayo


Dalka Iiraan wuxuu ka mid ahaa waddammada sida adag uiu ugu dhufatay Fayriska COVID-19, ee ku faafay aduunka, kaas oo markii uu kasoo bilaabmay dalka Shiinaha dhammaadkii bishii Diseembar 2019- ka hor intii aanu ku fidin adduunka oo dhan.
Waxayna Xukuumadda Iiraan kiiskiisii ugu horreeyay ee CVID-19 ee dalkeeda lagu arkay sheegtay dhammaadka February 2020, walaw Xukuumadda Iiraan ay la tacaalaysay Cunaqabateynta sharci darrada ah ee Maraykanka oo caqabad ku noqotay la dagaalanka Coronavirus, isla markaana ay jihaad la gashay caabuqa si ay u xamayso, taas oo ay ku guulaysatay, halka ay dalalkii doonayay inay u awood sheegtaan sida Maraykanka ay dunida caawimo ka dalbanayaan, balse Iiraan waxay si weyn isugu hawshay sidii ay u samayn lahaayeen khuburadeeda dhanka CaafImaadku wixii lagaga gaashaaman lahaa caabuqa iyo sidii loo xakamayn lahaa, taas oo u suurta gelisay inay noqonto dalalka tirada yar ee samaystay agabkii COVID-10, isla markaana ka iibinaya dunida kale.

AKHRI: Iran Oo Sheegtay Inay Ku Guulaystay Soo Saarista Daawooyinka Coronavirus Iyo Qalabka Caafimaadka

Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, Kianoush Jahanpour, ayaa sheegay in tirada dhimashada cudurka ‘coronavirus’ ee ka dillaacday Iiraan ay sare u kacday 60-kii 24 saacadood ee la soo dhaafay, iyadoo trada guud ee dhimashada Iiraan tan iyo markii February 2020, uu dalkeeda caabuqa COVID-19 ka bilaabmay, taas oo gaadhay 5,710.


Halka Tirada guud ee kiisaska cudurka lagu ogaaday ee coronavirus-ka ee Iiraan ay gaadheen 90,481, tirada dadka kasoo bogsadayna ay gaadheen 69,657, kuwaas oo laga saaray Cusbitaalada, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Iiraan, Kianoush Jahanpour.