“Qalabka cusub waxa ku jira maaskaro dilaya coronavirus iyo Cudurada kale, sida,,,” Babak Shokri

Warbixin: By. Carraale M Jaamac Freelance Journalist and Human Rights Activist based Somaliland.


Tehran(ANN)-Iiraan, ayaa shaaca ka qaaday inay samaysay qalab casri ah oo layskaga difaacayo Fayriska Coronavirusn iyo cuduro kale, kuwaas oo suuqa qalabka Caafimaadka ee Aduunka soo gelaya maalmaha soo socda.


Khuburo Baadhayaal jaamacadeed oo reer Iiraan ah, ayaa daboolka ka qaaday in xidhmooyinka cudurada coronavirus iyo kuwa kale ay noqonayaan kuwa ka difaacaya in Fayriska dilaaga ah COVID-19 iyo cuduro kale inay u gudbaan wejiga, isla markaana ka ilaalinaya inay u talaabaan hawo-mareenka, iyadoo uu sahlayo inuu qofku helo hawo safaysan (Filtaraysan) oo nadiif ah.


“Qalabka cusub waa maaskaro ah ka-hortagga coronavirus (anti-coronavirus masks and light ventilators) iyo hawo-mareenno ay soo saareen cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Shahid Beheshti, ayaa la soo saari doona, waxaana qalabkaa suuqa la gelin doonaa dhowaan , ” sidaa waxa yidhi Babak Shokri, oo ah ku xigeenka cilmi-baadhista ee Jaamacadda Iiraan, isagoo warbaahinta la hadlay Talaadadii caasimada dalkaa ee Tehraan.

Babak Shokri, ayaa sheegay in xidhmooyinka cusub loo isticmaali karo in lagu baadho cudurka muddo 20 daqiiqo ah, halka xidhmooyinka kale ee laga heli karo suuqa ay qaadanayaan inta u dhaxaysa saacad iyo dhowr saacadood in lagu ogaado cudurka, ama caabuqa COVID-19.


Ku xigeenka cilmi-baadhista ee Jaamacadda Tehran, Shokri, wuxuu sheegay in xidhmooyinka cusub ee la soo saaray aannay ahayn oo keliya in loogu talagalay in lagu baadho Coronavirus-ka cusub, laakiin sidoo kale fayrisyo kale, oo ay ku jiraan AIDS (Acquired Immune Defence Syndrome), taas oo ah marxaladda ugu dambaysa uguna halista badan ee cudurka HIV, kaasoo sababa waxyeelo aad u xun oo nidaamka difaaca jidhka bur-buriya.

Sidoo kale qalabka, ayaa wax ka taraya fayriska hargabka (avian flu viruses), ee ka yimaada Shimbiraha cudurka qaba, isla markaana usoo gudba aadamaha, iyadoo sida uu sheegay Babak Shokri, qalabkan casriga ah ee Iiraan soo saartay wax weyn ka tarayo.


Waxa kale oo uu xusay in cilmi-baadhayaasha jaamacaddaTehran ee (Shahid Beheshti University), ay ka shaqaynayaan naqshadaynta maaskaro ka ilaalin kara qofka ka-hortagga faafitaanka, kaas oo dilaya Fayriska halkii uu si fudud ugu gudbi lahaa.


Khabiirka ku xigeenka ka ah qaybta cilmi-baadhista ee Jaamacadda Iiraan, wuxuu sheegay in maaskarada wakhtigan dunidu isticmaalay aannay ahayn mid boqolkiiba boqol lagu badbaadayo, isla markaana uu Fayriska Coronavirus ka gudbayo oo ay qayb ka noqon karto faafitaanka, balse maaskaraha cusubi ay daciifin doonaan ama gabi ahaanba baabi’in doonaan fayriska, waxa kale oo uu ku amaanay maaskarada cusub ee ay Iiraan samaysay inay tahay mid leh Hawo dabiici ah, taas oo bukaanka ka caawinaysa inuu si fudud u neefsado.

“Qalabkani waa fudud yahay, waana qiime jaban ah, marka loo eego moodooyinka ka buuxa, ayuu yidhi, wuxuuna intaa ku daray in khubaro Iiraaniyiin ah ay ka shaqaynayaan sidii ay u qaabayn lahaayeen iyaga oo rajaynayana inay diyaariyaan wax soo saarka bil gudaheed.


Dhinaca kale Iiraan oo ka mid ah dalalkii uu Fariska Coronavirus usoo gudbay markii uu kasoo bilaabmay dalka Shiinaha Desember 2019, ayaa si weyn ula tacaalay cudurka, waxayna gaadheen guulo waaweyn oo dhanka wax-soo-saarka qalabka caafimaadka ah, iyadoo ay xaalad cunaqabatayn iyo dagaal siyaasadeed oo kaga imanay Maraykanka iyo xulufadiisa, taas oo sababtay inay Iiraan hawlgeliso Khubaradeeda dhanka Sayniska oo la yimi hal-abuur cusub iyo inay si deg-deg usoo saaraan qalab caafimaad oo lagu tacaalo Fayriska COVID-19.


Iiraan waxay shaaca ka qaadday maalmihii lasoo dhaafay Tigniyoolajiyad cusub oo awood u leh inay ku oggaato caabuqa cudurka ‘coronavirus’ cusub, iyadoo la kaashanayo sirdoonka macmalka ah iyo adeegsiga sawirka ‘CT scan’.


Kadib markii Tiknoolajiyaddaa ay saareen khubaro u dhashay dalka Iiraan oo ku takhasustay cilmiga sayniska iyo shirkadaha Tiknoolajiyadda ee Iiraan, waxaana goobjoog ka ahaa goobta lagu soo bandhigay qalabkaa ku-xigeenka Madaxweynaha Iiraan ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada, Dr. Sourena Sattari, Sida ay shebekada Araweelo News Network, kasoo xigatay warkan oo uu baahiyay Press Tv, kaas oo soo xiganaya Wakaaladda Wararka Fars Sabtidii werisay warka cusub ee kasoo yeeshay khuburada Sayniska Iiraan.

AKHRI: Iiraan Oo Daaha Ka Rogtay Tiknoolajiyad Caabuqa COVID-19 Lagu Oggaanayo


Khuburada dhanka Sayniska iyo Shirkaddaha Tiknoolajiyadda ee Iiraan, ayaa sidoo kale soo saaray dhowaan Maaskaro lagu sameeyay sawirka Brigadier General Haj Qasem Soleimani oo ahaa Taliyihii Xooggaga Qudus ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamka Iran, kaas oo Maraykanku duqayn dhanka cirka ah ku dilay 3 January 2020, duleedka Madaarka Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Iiraan ayaa sidoo kale soo saartay qalab kale oo cusub, kaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee kamaradaha sawirka kuleylka ah, iyadoo qayb ka ah horrumarka dhanka Tiknoolajiyada iyo sayniska ee ku dhisan xadaarada iyo kalsoonoda khuburada sayniska iyo shirkaddaha dalkaa oo ku hawlan sidii dalkooda uga xamayn lahaayeen Fayriska COVID-19.