Araweelo News Network

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

Hargeysa (ANN) Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), ayaa sheegay in dadka sida xun uga hadlay qalliin ke;li loogu geliyey wiilkiisa Maxamed ay ahaayeen casharro Ilaahay (SWT) ku tusayey dadka aan khayrka lahayn, isla markaana aan waxba ka xishoon.
Wasiir Marreexaan oo lagu soo dhaweeyey Madaarka Hargeysa shalay, kadib markii uu ka soo laabtay dalka Hindiya oo wiilkiisa xaalad caafimaad loo geeyey, ayaa sidoo kale ka hadlay rabbitaanka gabadha uu adeerka u yahay ee Sagal Cabdi Xasan is iskeed ah kellida ugu saartay wiilka ay ilma-adeerka yihiin.
“Waan u mahadcelinayaa intiinna halka igu soo dhaweysay; Golaha Wasiirrada, baarlamanka, xildhibaannada Golayaasha Degaanka dalka ka kala socda. Waxaan dhinaca kale u mahacelinayaa intii soo ducaysay dalka iyo dibaddiisaba, wax kaloon idhaa ma garanayo ee dhammaantiin waad mahadsantihiin,” ayuu yidhi Wasiirka Hawlaha Guud oo u mahadnaqay dadka ka qaybgalay soo dhoweyntiisa.
“Sagal Cabdi Xasan iyada ayaa go’aansatay inay kalida u saarto walaalkeed, aniguna umaan yeedhan, lamana hadlin, aabbaheed ayaa ila soo hadlay, iguna yidhi waannu kuu imanaynaa oo walaalkay iga weyn ah, Sagal ayaana u saareysa kellida Maxamed, iyadana ayaana go’aansaday inay kellida u saarto, waxayna ka soo dhoofeen dalka Qadar. Waxa jiray isku dayo hore oo annigaygan ku jiray iyo walaalkay igayar, laakiin ma ay suurtogalin, maantana way caafimaad qabtaa,” ayuu yidhi Wasiir Marreexaan.
Waxa uu intaas ku daray, “Waxoogaa buuqa ayaa dhacay, waad maqlayseen, Ilaahay (SWT) ayaana dadka innagu kala barayey, casharro adduunka ka socda ayey ka mid ahaayeen, si toosa oo macnawiyan ah ayaana la inoo tusayey. Ilmo yar oo kelyuhu fadhiisteen qofka wax ka dayayey waxa la inoo sheegayaa in aannu khayr ku jirin. Alle wuxuu leeyahay nafahiinna ayaannu tusaynaa inuu xaq yahay. Waxa la ina baray dad noocaas ah oo shar ka soo burqanayaa inay jiraan, oo qof xannuunsanaya aan u tudheyn, cidna aan ka waabaneyn.”
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud Md. Mukhtaar Maxamed Cali oo ka mid ah masuuliyiinta soo dhaweeyey wasiirka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in soo noqoshada Wasiirkiisa, waxaannu yidhi; “Ugu horreyn, aad ayaan ugu faraxsanahay in aan dalka ku soo dhaweeyo Wasiir Cali Xasan Maxamed oo safar caafimaad dalka dibadiisa ugu maqnaa. Mudane wasiir; waannu ku tabnay shaqadii iyo dalkuba, waxaanan aad ugu mahadnaqayaa inta maanta (shalay) nala soo dhaweysay wasiirka oo ay ugu horreeyaan shaqaalaha wasaaradda oo aan u kala hadhin.”
Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka Somaliland Mr. Xasan Cali Cismaan, ayaa tilmaamay in Wasiir Cali-marreexaan yahay masuul la tabay shaqada uu qaranka u hayey muddada uu safarka ugu maqnaa dhinaca dalka Hindiya, waxaannu Ilaahay uga mahadnaqay inuu dalka ku soo laabtay isagoo caafimaad qaba, halka uu sidoo kale u duceeyey wiilka iyo gabadha ka mid ah qoyska Wasiirka lagu sameeyey qalliinka kelyaha loogu kala beddelay.
Wasiirul-dawlayaasha Wasaaradaha Khayraadka Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri iyo Beeraha Md. Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka, xildhibaanno ka mid ah golayaasha degaanka iyo masuuliyiin kala duwan oo iyaguna Wasiirka Hawlaha Guud kaga hortagay Madaarka Hargeysa, ayaa dhammaantood muujiyey inay aad ugu faraxsan yihiin inuu dalka ku soo nabad noqdo, waxayna u duceeyeen wiilka uu dhalay ee xannuunsaday iyo gabadha uu adeerka u yahay ee kelida u saartay.