Araweelo News Network Dubia(ANN)-Booliska Dalka Imaaraadka, ayaa xidhay Toddoba qof oo rayid ah oo hubaysan oo Maraykan ah, kuwaas oo isku dayay inay u socdaalaan dalka Afgaanistaan iyagoo sii maraya Imaaraadka Carabta. Sida ay baahisay Newsweek Kooxda Maraykanka ah oo wadatay diyaarad khaas ah oo siday Hub, ayaa la xidhay Salaadadii la soo dhaafay, balse waxa markii dambe dammaanad ku sii daayay ciidanka Booliska dalka Imaaraadka ee ku sugnaa garoonka diyaaraddaha ee Dubai. “Kooxda Maraykanka ah, ayaa la sheegay inay qorshaynayeen inay gacan ka geystaan dadaallada daad -guraynta Afgaanistaan, laakiin ma lahayn qorshayaal cad oo socdaalkooda la xidhiidha oo hore oo la oggolaaday,” ayaa lagu yidhi, war kasoo baxay Qunsuliyadda Guud ee Maraykanka ee Dubai ay ” Saqdii dhexe ee isla maalintaas, 31-kii Ogosto, diyaaraddii ugu dambaysay ee militariga Maraykanka ayaa ka ambabaxday Afgaanistan, taasoo muujinaysa in la soo afjaray dagaalka labaatanka sannadood ka socday dalkaa oo Maraykanku hormood u aha iyo daad-gurayn qaab fowdo ah u socotay. Diyaaraddaha Maraykanka iyo kuwa gaarka loo leeyahay, ayaa ka daadgureeyay dalkaa tobanaan kun oo qof, oo u badan shaqaalaha Afgaanistan ee oo ahaa kuwii la soo shaqeeyay dawladda Maraykanka intii dagaalku socday. “Waxaan ka warqabnaa wararka sheegaya in muwaadiniin Maraykan ah la xidhay kaddibna lagu sii daayay Dubai,” ayuu yidhi afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka. “Mar kasta oo muwaadin Mareykan ah lagu xiro dibadda, waxaan diyaar u nahay inaan bixinno dhammaan adeegyada qunsuliyadda ee habboon. Sidaa waxa Newsweek, u sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda oo xaqiijisay xadhigga oo aan hore loo soo sheegin. Sidoo kale, Xafiiska Waaxda Baadhista ee Dowladda Federaalka ee FBI, ayaa xaqiijiyay in xaaladdooda la soo gaadhsiiyay. “FBI -du way ka warqabtaa arrinta laakiin wax faallo ah oo dheeraad ah kama bixinayso hadda,” sidaa ayuu Afhayeenka FBI -da u sheegay Newsweek. Hase yeeshee dhacdadan ayaa jawaab adag ka helay Wakiilka Maraykanka Ritchie Torres ee New York, guddoomiye ku xigeenka Guddida Amniga Gudaha, kaasoo ku dooday in kooxda si degdeg ah loo baadho si loo go’aamiyo waxa dhabta ah ee ay qorsheeyeen inay sameeyaan iyo in ay jiraan kuwo kale oo kooxaha gudaha ah. AKHRI: Somaliland: Waa Maxay Ujeedada Qoxootiga Sita Magaca Afganistan Ee Maraykanka Iyo Imaaraadku  Soo Waaridayaan Maraykanka, ayaa bilaabay inuu ka baxo dalkaa qiyaastii sanad iyo badh ka dib heshiis nabadeed oo lala galay dagaalyahanka Daalibaan, iyadoo Maraykanka iyo xulufadiisu u caal waayeen, waxayna labaatan sannadood kaddib go’aansadeen inay guuldaro kala huleelaan dalka Afgaanistaan, taas oo xusuusta dib u celisay ku dhowaad soddon sannadood 1992, markii dagaalo lagu hoobtay oo socday labaatan sanandood lagu jebiyay ciidamadii Midawga Soofiyeeti ee taageeyay xukuumaddii Afgaanistaan ee xilligaa xukunka laga tuuray Daalibaan, ayaa mar kale waxay kasbatay guulo waddanka oo dhan ay gacanta ku qabato, waxayna si dhakhso leh ula wareegtay caasimaddii, taasoo Afqaanistaan mar labaad gacanta ugu jirtay Imaarada Islaamiga 20 sannadood kadib wixii ka dambeeyay 9/11 Faragelinta uu Maraykanku hoggaaminayay ee duulaanka Afgaanistaan 2001. Ka bixintaanka Afgaanistaan ee Maraykanka, ayaa cabsi ku abuuray kumanaan u dhashay dalkaa oo qaarkood yihiin dadka aan muslinka ahayn oo ka baqaya in ay waajahaan shareecada iyo qaanuunka Islaamiga ee kooxda Daalibaan, kuwaas oo qaarkood sharciga la horgeynayo haddii gacanta lagu dhigo, iyagoo qaarkood yihiin kuwo diinta ka baxay muddadii labaatanka sannadood ee u danbeeyay, halka kuwo kalena ay la shaqaynayeenxulufada Maraykanka, isla markaana la doonayo in laga daadgureeyo dalkaa qoxooti ahaan oo la geeyo dalal kale oo ay Somaliland ka mid tahay kuwa la qorsheeyay, wallow aannay xukuumadda Somaliland si cad u shaacin aqbalaada qoxootiga Afgaanistaan, balse warbixnimo shebekaddaha Araweeelo News Network baahisay todobaadkii hore, kaddib baadhis ay arrinta qoxootiga Afgaanistaan ee la doonayo in Somaliland loo soo daabulo ku samaysay. Published by Araweelo News Network. Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network. Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com