Araweelo News Network

TOTOTAHiluxaraweelo news networLondon (ANN)Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Boqortooyada UK Mr. Rory Stewart, ayaa ka digay weerarro argagixiso ay dagaalyahannada ISIS/Daacish ka fuliyaan gudaha dalkiisa, haddii lagaga guulaysto gulufka lagu doonayo in lagaga saaro kooxdaas magaalada Mosul ee waddanka Ciraaq.
Mr. Rory Stewart oo la hadlay BBC-da, qaybta luqadda Ingiriisiga ku baxda oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay shalay, waxa uu tilmaamay inay gudaha Ciraaq ku sugan yihiin dagaalyahanno badan oo ajnabi ah, qaar badan oo ka mid ahna haystaan dhalashada Ingiriiska, kuwaasoo uu xusay in haddii laga adkaado, lagana saaro magaalada Mosul ay u kala firxan doonaan dalalka Yurub, qaarkoodna dib ugu noqon karaan waddankiisa si ay weerarro aargoosasho ah uga fuliyaan.
“Kooxda ISIS waa koox horumar xooggan samaysay shantii sanno ee u dambeeyey, aadna looma saadaalin karo, waxay isku beddelaan si degdeg ah, sida badanka la arkana waxay fuliyaan waxyaabo aan laga filan karin, iyagoo kolba sameeya aag-beddelasho. Tusaale ahaan, sannadkii 2009 waxa laga saaray qaybo badan oo dalka Ciraaq ah, waxayna u wareegeen dhinaca Suuriya, haddana markii ay cadaadis iyo dagaallo kala kulmeen Suuriya waxay markale dib ugu soo laabteen Ciraaq,” ayuu yidhi Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriisku.
Waxa uu intaas ku daray, “Xilliyadii hore kooxdani wax dhul ah may haysan, balse hadda dhul badan ayey ka taliyaan, waana wax caddaan ah inay xoogan yihiin, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in la xoojiyo feejignaanta iyo la-dagaalanka argagixisada, iyadoo la dammaanad qaadayo in ammaan laga dhigo Boqortooyada UK iyo dalalka Yurub.”
Dad badan ayaa shaki ka muujiyey in si degdeg ah looga adkaan karo dagaalyahannada ISIS ee ku sugan Mosul, Ciraaq, iyadoo hore loo saadaalinayey in maalmo kooban lagu xorayn doono magaaladaas.
Hase yeeshee, Wasiir Stewart ayaa ku dooday in ciidammo kala duwan oo tiradoodu ka badan tahay 30 kun ay waajahayaan dagaalyahanno tiro yar oo ku sugan degaanka Mosul, sidaas awgeedna guul degdeg ah laga gaadhi doono kooxda ISIS.
“Waa laga tiro badan yahay, waana la hareereey, waxana muuqata in millatariga Ciraaq ay ku guulaysan doonaan dagaalka Mosul,” ayuu yidhi Wasiirka Ingiriiska ah, isagoo tilmaamay in dawladdiisu kala shaqaynayso Xukuumadda Ciraaq sidii kooxda ISIS looga saari lahaa degaannada ay ka taliyaan, iyadoo la yaraynayo khasaaraha gaadhi kara bulshada tiradoodu dhan tahay ilaa hal milyan oo qof oo ku nool magaalada Mosul.
Waxa kale oo dawladda Ingiriisku caddaysay inay dhaqaale badan ku bixinayso sidii loogu taageeri lahaa dadka ka baro-kacay colaadaha ka socda dalka Ciraaq, gaar ahaan Mosul.