ka bilaw midig Sabina Higgins Marwada iyo Madaxweynaha Ireland,Michael D Higgins iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo iyo Maradiisa Aamina Weris.

ka bilaw midig Sabina Higgins Marwada iyo Madaxweynaha Ireland,Michael D Higgins iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo iyo Maradiisa Aamina Weris.

Hargeysa (ANN) Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa si qoto-dheer uga hadlay waxyaabaha ay wadaagaan labada dal ee Somaliland iyo Jamhuuriyadda Ireland, isagoo xusay inay yihiin saaxiibbo cilaaqaad xooggan ka dhexeeyo.
Madaxweyne Siilaanyo oo hadda jooga dalka Ingiriiska, waxa uu sidaa ku sheegay khudbad qoraal ah oo uu ka akhriyey kulankii dhexmaray dhiggiisa waddanka Ireland Mr. Michael D. Higgins maalintii Salaasada ee toddobaadkan, taasoo lagu baahiyey barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo Jamhuuriya soo xigtay, waxaannu kaga hadlay hadlay qodobbo kala duwan iyo codsi uu u diray madaxweynaha iyo dawladda Ireland.
“Anigoo ku hadlaya naftayda, afka weftiga isla socda iyo shacbiga reer Somaliland, waxaan doonayaa in aan si aad ah kaaga mahadnaqo marti-qaadka aad noo fidisay ee aannu kugula kulannay maanta [Salaasadii], si weyn ayaan ayaannu ugu faraxsanahay waqtiga aannu ku qaadannay dalka Ireland iyo jawiga nalagu qaabilay, iyadoo aan rajaynayo in booqashadani noqoto mid dhidibada u taagta xidhiidhka aan dhammaadka lahayn ee labada dal,” ayuu Madaxweynaha Somaliland ku bilaabay khudbadiisa ku qornayn luqadda Ingiriisiga.
Waxa kaloo uu ka hadlay xidhiidhka u dheexeeya Ireland iyo Somaliland iyo sida ay waxyaabo u badan u wadagaan labada qoomiyadood, waxaannu yidhi; “Dalalka Somaliland iyo Ireland waxa kala soocay oo qudha taariikhda iyo degaanka ay juquraafi ahaan ku kala yaallaan, laakiin waxaannu si xooggan u dareemaynaa in xidhiidh weyn iyo cilaaqaad naga dhexeeyo sheekooyinka Ireland, sida aad ogtahayna ninkii sahamiyaha weyn ahaa ee la odhan jiray Sir Richard Burton waxa uu dadka reer Somaliland ku sifeeyey Ayrishka Afrika (the Irish of Africa), waxaanan jecelahay sida aan filayo inuu waqtigaas ka hadlayey caqliga, geesinimada, soo-dhawaynta naxariista leh iyo sharafta ay wadagaan dadkeennu, marka la eego muddada yar ee aan hadda joogay dalka Ireland waxa cad in hadalkiisaasi yahay run.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay doorka waddanka Ireland ku leeyahay adduunka iyo gaar ahaan qaaradda Afrika, “Waxa aan ogahay in aad danno iyo door weyn oo aan dhammaan ku leedihiin marka laga eego arrimaha caddaaladda ee adduunka, gaar ahaan qaaradda Afrika, waxaanan rajaynayaa maadaama aad ogtihiin wax badan oo ku saabsan taariikhda Somaliland, inaad noqon doontaan dal u dooda, una ololeeya sidii aannu u gaadhi lahayn aqoonsiga aannu raadinayno.
Rabitaanka shacbiga reer Somaliland ee madaxbannaanidooda waxay si cad ugu muujiyeen doorashooyinka kala duwan ee ay galeen iyo afti laga qaaday sannadkii 2001-kii, isagoo dalka Somaliland buuxiyey dhammaanba shuruudaha sharci ee looga baahan qaran qaran madaxbannaan, marka la eego shuruucda caalamiga ah ee u yaal adduunka,” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraalkiisa.
Sidoo kale, waxa uu khudbaddiisa ugaga warramay madaxweynaha Ireland marxaladaha kala duwan ee Somaliland soo martay muddada ay madaxbannaanida haysatay.
“Ilaa iyo intii aannu madaxbannaanida dib ula soo noqonnay waxa aannu ka gudubnay, kana baxnay khilaafyo na soo maray, kuwaasoo aannu u beddelnay in aannu dhisno qaran dimoqraadi ah oo haysta nabadgelyo iyo xasillooni buuxda, waxaanan nabadgelyada ka soo dhisnay gunta hoose, iyadoo aanay cid dibadda nagaga timi naga caawin, halka horumarka iyo guulaha aannu gaadhnay yihiin midhaha isku duubnida iyo isku-tashiga dadkayaga oo qudha.
Sannadka dambe (2016) waxaannu xusaynaa sannad-guurada 25aad ee ka soo wareegtay madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale la xusayo sannad-guurada 100aad ee markii Jamhuuriyadda Ireland ku dhawaaqday madaxbannaanideeda sannadkii 1916-kii, waxana jirta in aannu dalka Ireland markiiba aqoonsi ka helin beesha caalamka, kaasoo markii dambe noqday jamhuuriyad madaxbannaan sannadkii 1948-kii. Dalka Ireland waxa uu fahamsan yahay caddaalad-darooyinka ay la kulmaan waddamada madaxbannaan ee laga duudsiyo aqoonsi caalami ah, lagana diido inay galaangal u yeeshaan fagaarayaasha laga hago siyaasadaha adduunka.”
“Markii dalka Ireland loo oggolaaday inuu ku biiro Qarammada Midoobay, waxa uu si weyn oo aan dhammaad lahayn si caalami ah uga qaybqaatay nabadgelyada adduunka, markaa waxa Somaliland jeceshay inay raacdo raadka dalka Ireland ee la xidhiidha ka qaybqaadashada masuuliyaddu ku dheehan tahay ee arrimaha caalamiga, iyadoo aannu horeba u muujinnay in aannu nahay dal masuul ah oo door ku leh jaarnimo-wanaagga iyo ilaalinta danaha guud ee heer gobol iyo heer caalami,” ayuu yidhi Madaxweyne Somaliland.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku ladhay, “Waxa kaloon aad ugu faraxsanahay in aan la kulmo shaqsi (madaxweynaha Ireland) aannu ka wada qallin-jabinnay Jaamacadda Manchester (Irgiriiska), waxaanan ogahay inaad baratay culuumnta la xidhiidha dadka isku gudba (migration), kaasoo ah mawduuc si weyn u khuseeya Somaliland iyo Ireland, waxaanan jecelahay in aan mar labaad kaaga mahadnaqo soo dhawaynta ballaadhan ee naxariistu ku ladhan tahay ee aad noo muujisay, anigoo kaa rajaynaya in adiga (madaxweynaha Ireland) iyo masuuliyiin kale oo wakiil ka ah dalka Ireland aad mustaqbalka booqasho ku iman doontaan Somaliland, si fiicana aannu idiin qaabili doono si aannu idiinka abaalcelino si la mid ah habka aad hadda noo soo dhawayseen,” ayuu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku soo xidhay qoraalkiisa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380