” 10, 000 oo Israel ah, ayaa dhimanaya haddii ay xaaladdu sidan kusii socooto.”Netanyahu.


Warbixin: By Carraale M. Jaamac: Freelance Journalist And Human Rights Activist Based In Somaliland– Araweelonews.com.


Tel Aviv (ANN) Xukuumadda Israel, ayaa xaqiijisay dhimashadii u horraysay ee Cudurka Coronavirus, kadib markii qofkii labaad ee reer binu Israel ah u geeriyooday maanta.


Israel, waxay sheegtay in ilaa hada kiisas la xaqiijiyay ay gaadhayaan 1,656, kuwaas oo ay ku jiraan 31 xaaladoodu aad u xuntahay, isla markaana waxa tiradaa ku jira ku dhowaad afartaneeyo kasoo kabtay Coronaviris. sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Israel.

Goor sii horraysay Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa uga digay wasiiradiisa isniintii intii lagu gudajiray kullan socday toddobo saacadood oo uu la qaatay saraakiisha ugu saraysa dalka in la meel mariyo dadaalada socda ee lagu joojinayo faafitaanka Fayriska Coronavirus.
Netanyahu, wuxuu ishaaray in Coronavirus ay u dhiman karaan 10, 000 oo muwaadiniinta Israel ah, haddii ay xaaladdu sidan kusii socooto.


“Waxaan ku gaadhi karnaa hal milyan bil gudaheed,” ayuu yidhi ra’iisal wasaaraha Israel sida uu daabacay Wargeyska Jerusalem Post oo soo xiganayay warbixin Telefishanka ku baxa luqada Hebrew ee N12 .

Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Israel oo ka qaybgalay kullankaa dowladda ayaa u sheegay N12 in ay jirto dareen ka dhex jira go’aan-qaadashada in wasiirrada qaar iyo dadweynuhuba aannay weli ku baraarugin faafitaanka deg-degga ah iyo heerka caabuqa cudurka ‘coronavirus’, iyadoo xukuumaddu horre u fasaxday Iskuulada, Jaamacaddaha iyo goobaha lagu kulmo.

Benjamin Netanyahu, ayaa faray Wasiirka Gaashaandhiga Naftali Bennett in ciidamadu la socdaan xaaladda oo ay kaalmeeyaan dadka waayeelka ah ee kunool Israel.


Gaashaandhiga Naftali Bennett, ayaa dhankiisa sheegay in la samaynayo qorshe qaran, kaas oo dabooli doona baahiyaha dadka waaweyn, oo ay ka mid yihiin in la siiyo cunno iyo gargaar caafimaad iyo sidoo kale ay ku jiraan haddii ay galaan xaalad karantiin in la caawinayo.

Talaadadii Maanta Booliska Israel, ayaa sheegay 114 oo lala xidhiidhiyay Caabuqa Coronavirus, waxa lagu fuliyay amar in la xidho 54 ganacsi, halka, 135 baadhitaan ayaa lagu bulaabay, kuwaas oo ka horyimid amarro la siiyay.


Sidoo kale, waxay Boolisku baadhayaan 23 sameeyay wararka been abuurka ah, halka 38 qof lagu ganaaxay inay jabiyeen awaamiirta la siiyay, isla markaana waxa la ganaaxay oo kale, saddex lagu helay inay ku xadgudbeen warbixinta waajibaadka Wasaaradda Caafimaadka.
65 qof oo kale, ayaa lagu ganaaxay amarrada ka dhanka ah isu imaatinnada iyo kulamada ballaadhan ee dadweynaha, sidoo kale 8 meheradaha ganacsiga ah, ayaa lagu ganaaxay inay ku xadgudbeen amarrada wasaaradda Caafimaadka illaa hadda.

Nin 25 jir ah ayaa loo haystaa tuhun, waxaana la weydiinayaa su’aalo ku saabsan markii ay soo baxday inuu isagoo iska dhigaya qof shaqaale ah oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ku amray boqolaal dad ah inay galaan Karantiin.


Toddobaadka dhammaadkiisa, ayaa dacwad ay booliska u gudbisay haweeney sheegtay in ay ka heshay fariimo ka yimid ninkaas oo sheegtay inuu yahay shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka uu ku amray in ay galaan karantiin, iyada oo sheegtay in ay tuhunsan tahay in uu yahay shaqsi gudbinaya caabuqa Coronaviris


Booliisku waxay bilaabeen baadhitaan ay ku hayaan qofkaas la tuhmay oo deggan deegaanka Bnei Brak, kaas oo laga sii daayay xabsiga, markii su’aalo la weydiiyay, balse waxay saraakiisha Boolisku sheegeen inuu baadhtaanku weli socdo.


Dhinaca kale, Coronavirus wuxuu sababay khasaare culus oo xagga dhaqaalaha ah, taas oo saamayn ku yeelatay suuqyada saamiyada Israel, sida ay sheegayaan warbixinaha la soo bandhigay oo muujinaya in qiimaha suuqyada saamiyada Israel ay hoos u dhaceen 7%.


xukuumadda Israel, ayaa sheegtay inay ka wer-wersantahay xaaladda marka loo eego warbixinnaha Israel, qiimaha dammaanadda sicirka saamiyada ee suuqa saamiga ee Tel Aviv, ayaa hoos u dhacay 8 illaa 9%, iyagoo warbixinuhu tilmaamayaan in waaxyo badan oo dhaqaale kasoo geli jiray uu meesha ka saaray, isla markaana dumiyay faafitaanka cudurka.


Sidoo kale, warbixinta ayaa tilmaamtay in dowladda Israel aannay awood u lahayn inay farageliso dhaqaale xumida, taas oo sabab looga dhigay xiisada sii kordhaysa ee Washington ka taagan oo ku qasabtay inay gebi ahaanba joojiso dadka ka imanaya dunida iyo guud ahan socdaalada oo ay ku jiraan kuwa ka imanaya Maraykanka.

Coronavirus, ayaa dhammaadkii sannadkii 2019 (COVID-19, kasoo bilaabmay Wuhan oo ah magaalo ganacsi oo ku taal dalka shiinaha, balse dhibaatadu kuma koobnaan Shiinaha oo keliya ee wuxuu Faafitaanka Fayriska ee ka gudbay xuduudaha, isagoo saamayn ballaadhan ku yeeshay dhaqaalaha Adduunka, siyaasadda, amniga, iyo dowladnimada, waana Fayriskii inta la xusuusanyahay taariikhda sidaa xawliga muddo koobban isaga gudba dacalada dunida ee abuura cabsi weyn.

Tan iyo Desember 2019, waxa uu gaadhay Coronavirus oo haleelay inta la ogyahay, dad gaadhaya 401,032, iyadoo tirooyinka la hayo Desember ilaa 24 March oo ku beeggan saacadda Bariga Afrika (19:37:26 EAT,) ay warbixinihii u danbeeyay sheegayaan in tirada dhimashada ee Aduunka oo dhan inta la ogyahay ay gaadhay, 17,480, halka ay kasoo kabteen dad gaadhaya 103,754 sida lagu shaaciyay xoggaha rasmiga ah ee la diiwaan geliyay.

Tirada aduunka u dhimatay Caabuqa Cudurka Coronavirus dalka ugu badan tirada dhimashada, ayaa noqday Talyaaniga oo ay ku nafwaayeen 6,077 qof.