Tel Aviv ((ANN)-Iiraan ayaa si toos ah u bilawday weerarada ay gantaalada ku beegsanay  badhtamaha iyo waqooyiga Israa’iil ka dib markii milatariga Israel ay xaqiijiyeen inay fuliyeen weeraro dhowr jeer oo ka dhan ah goobaha kaabayaasha nukliyeerka, laakiin weerarada Iran ayaa si dhab u beeniyay.

Meelaha sida gaarka ah loo burburuyay waxa ka mid ah madaaradda,  dekeddaha, xarrumaha Ciidamada iyo xarrumaha Biyaha iyo Laydhka.

Dumaymaha ay Iran ku dhufatay qayb ka mid ah Badhtamaha Tel Aviv,  ayaa haleelay dhowr xarumood oo militari ay ku yaalliin xarunta IDF, taas oo ah Aargudashada Iran oo daba socota laba mowjadood oo ku saabsan duqeymaha Israel ee Iran 24 saac gudahood. Iiraan ayaa bartilmaameedsatay xarunta difaaca Israel ee Tel Aviv oo dhulka lala simay, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadda labada dhinac oo si weyn durba u saamaysay Bariga dhexe iyo dunida kale.

Howlaha gargaarka degdega ah ee Israail ayaa sheegaya in ugu yaraan laba dersin lagu dilay duqeymaha ayaa sidoo kale lagu dhaaaacay in ka badan 100 kale, iyadoo ay jiraan tirooyin la la layahay.

 

Iran ayaa ku bilawday gantaalaha  bartilmaameedyada dalka Israel, oo ay ku jiraan magaalooyinka Hafa iyo Tel Aviv, sida ay qoreen warbixinnada warbaahinta.
Weeraradii ayaa yimi kadib markii ciidamada Israel ay qarxiyaan kaabayaasha rayidka ah iyo tamarta ee ay ka soo baxaan Iran, iyagoo dabka ka soo kacay dabka xarunta saliida Shahran ee Tehran. Milatariga Israel ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen goobaha “laxidhiidha mashruuca hubka nukliyeerka ee Iiraan


Dhinaca kale, Guddoomiyaha magaalada Bat Yam, Zvika Brut ayaa sheegay in aanu waligiis burburkan oo kale arag, wuxuu isagoo sawir ka bixinayay weerarka yidhi, xataa hore uma arkin, 61 guri oo kan u yar 5 dabaq yahay, kuwaas oo sida uu sheegay dhammaantood ay dumeen, dadkii ku hoos-jiraan oo wali badbaadadu socoto.

wuxuu dalbaday gurmad deg deg ah, Marxalad aad u daran ayuu ku sifeeyay mida ka taagan magaaladiisa Bat-Yam, hadalkan ayuu ka sheegay isagoo la hadlaya warbaahinta Israel subxnimadii markii weerarka dhacay


Bat Yam wararka kasoo baxay Israel ayaa sheegaya in la waayay ku dhowaad 40 qof oo laga baadhayo burburka dhismayaasha.

Hase yeeshee khasaaraha dhabta ah si cad looma ogga. Waxayna u muuqataa in xaaladdu faraha kasii baxay