Hargeysa(ANN)-Jaamacada Hargeysa ayaa xaflad u qabatay 35 arday dhamaysatay barashada Saxaafada, kuwaas oo muddo sannad ah ka baranayay Jaamacadda aqoonta mihnada Saxaafada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Maxamed Muuse Diiriye
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Maxamed Muuse Diiriye


Munaasibad loo qabtay Ardaydaa oo maanta lagu qabtay guddaha Jaamacadda, waxa ka qaybagalay, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Maxamed Muuse Diiriye, Maamulka Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse, Madaxa Xafiiska Dawladda Britain ee Hargeysa, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), macalimiinta bixinaysay casharada saxaafada, xildhibaano iyo masuuliyiin kale.


Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Maxamed Muuse Diiriye, ayaa hadal uu ka jeediyay munaasibadaa, wuxuu uga mahad celiyay, Dawladda Ingiriiska oo bixisay dhaqaalaha ku baxay, sidoo kale, wuxuu Jaamacadda Hargeysa iyo Macalimiinta casharada bixisay iyo sidoo kale cid kasta oo ka geysatay gacan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse
Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse


“Ardaydu waxay baratay professional journalism, waxaana hubaal ah in la arkay heerka saxaafada Somaliland taagan tahay, waxaana arrintan dedaal ka galay oo iska kaashaday Dawladda Ingiriiska , Solja iyo Jaamacadda Hargeysa, waxayna ahayd ujeedadu in wax laga bedelo qaabka maanta Saxaafada Somaliland tahay, kuwii wax ka bedelayayna waa idinka.” ayuu yidhi, Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo ah Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa.

Agaasimaha Kuliyada Cilmi-baadhista Jaamacadda Hargeysa, Warsame Maxamuud Axmed
Agaasimaha Kuliyada Cilmi-baadhista Jaamacadda Hargeysa, Warsame Maxamuud Axmed

Madaxa Xafiiska Dawladda Britain ee Somaliland, Mr. Stuart Brown, ayaa u sheegay Ardayda in aannay ilaabin masuuliyada shaqada saxaafadeed ee ay hayaan iyo baahida loo qabo inay dabakhaan wixii ay barteen, sidoo kale wuxuu sheegay in ay sii wadaan xirfadooda sidii ay u horrumarin lahaayeen ee Bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

suxufi Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Suxufo Cabdifataax Ismaaciil Mursal


Agaasimaha Kuliyada Cilmi-baadhista Jaamacadda Hargeysa, Warsame Maxamuud Axmed , wuxuu sheegay in sideed qaybood lagu tababaray oo la xidhiidha saxaafada iyo xirfada looga baahanyahay qofka suxufiga ah, sidoo kale wuxuu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Ardaydaasi dhamaystaan waxbarashadii uga socotay mudada sannadka ah Jaamacadda Hargeysa.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi aamac (Xuuto), oo ka waramay doorka horrumarka saxaafada ee la doonayo in lasii wado, isagoo uga mahad celiyay dawladda Britain oo si weyn u taageertay saxaafadda sidii loo horrumarin lahaa. sidoo kale, wuxuu ku amaanay Jaamacadda Hargeysa tacabka ay gelisay Ardaydaa iyo kuwa kale ee dhigta Jaamacadda, wuxuuna amaanay Ardayda baratay saxaafada ee shahaadooyinka la guddoonsiiyay.


Cabdifaraax Ismaaciil Mursal oo ku hadlayay Afka Ardayda, ayaa dhankiisa sheegay inay wax baddan ka faa’ideen mudadii ay halkan joogeen, wuxuuna xusay in Ardayda halkan joogta intooda badan ay ku jireen mihnada saxaafadda, isla markaana wuxuu soo jeediyay in aan intaa lagaga hadhin ee lasii wado sidii ay Ardaydu usii wadi lahaayeen waxbarashadooda.

Waxaana gebagebadii shahaadooyin professional journalism la guddoonsiiyay Ardaydaa, sidoo kale waxa abaalmarino la siiyay saddex ka mid ah Ardaydaa oo kala ahaa, Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Keyse Yuusuf Faarax, Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor).

Dhinaca kale, Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, ayaa madasha kaga dhawaaqay inuu shaqaalaysiiyay Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ahaa Ardayda qaadatay shahaadooyinka kadib markii ay dhamaysteen waxbarashada saxaafadeed ee mudada sanandka ah uga socotay Jaamacadda Hargeysa.