jamaal Ali Xusen
Hargeysa(ANN)Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in isku shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo sameeyey habeenkii Jimcaha ay tahay mid aan waxba ka beddelayn maamul-xukada lagu dhalliilo xukuumadda KULMIYE.
Mr. Jamaal Cali Xuseen oo qoraal kooban soo saaray xalay, waxa uu sheegay in aan isku shaandhayn lagu tilmaami karin xubno la isku beddelo, balse ay muhiim ahayd in isku shaandhayntu taabato hay’addaha dawadda iyo wasaaradaha saluuga laga muujiyey.
“Nin baa laga hayaa haddii dhadhaaradda la beddelo oo meeshay yaaleen mid kasta laga kaxeeyo, midba gees la geeyo dheriga dhadhankiisa waxba iskamay beddelin, taas waxa ka dhigan arrinkan loogu yeedhay Isku shaandheyn, laakiin runtii aad uga fog xaqiiqda. Qofka hogaamiyaha ah waa inuu dhegaysto dareenka shacabka, cabashooyinka jira iyo dadka xilkooda ka soo bixi waayey. Waxa ka muuqata isku shaandheyntan caddaallad-darro kale oo hor leh. Nabarkii dusha ayuun baa laga dhayey ee boogtu waa sideeddii. Wasiirrada laga cabanayey ee dhinaca madaxweynaha ahaa lama taaban weli, laakiin dad kale ayey ku meeraysteen. Nimankii boqolka jeer dulmigga ka galay ummadduna weli kibir ayey la dibiro dhacsanayaan. Allahayow ka samo bixi qarankan curdinka ah indho la’aantan iyo boobkan lagu waddo,” ayuu yidhi Mr. Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kaloo uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xilka laga qaado Wasiirkii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo xaalad caafimaad u jiifay muddooyinkii u dambeeyey, waxaannu yidhi; “Cudurka kaa Gala Fardaha, haddii lagu gubo dameer, dawada lama gaadhayee. Hees bay ahayd ay Khadra Daahir ku luuqeyn jirtay. Mr Garaad oo ahaa wasiirkii hore ee Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada maan filaneyn in la eryo isagoo buka oo cusbitaalka yaal oo ay ahayd inay xukuumaddu xaaladiisa caafimaad caawimo ka geysato. Waxa ka sii daran in aanu madaxweynahu aanu weli ku booqan Mr. Garaad cisbitaalka marka laga reebo madaxweyne-ku-xigeenka oo xigto ahaan ku booqday.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews