dawga cad Madaxweyne SilanyoHargaysa(AN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay dareenkiisa xubnaha golaha waiiradda ee iska casilay Xukuumaddiisa, isagoo sheegay in xilalka ay baneeyeen xubnahaasi la buuxinayo.

“Dawlada Madaxwaynaa Jiraa haddii ay is-casilaan oo ay saluugaan Xukuumaddii ay ka tirsanayeen cid kale uun baa geli boosaskooda ”ayuu yidhi.

Madaxwayne Siilaanyo oo wax laga weydiiyay arrimaha Xisbiga Kulmiye iyo taageeradiisa, ayaa sheegay in uu tageerayo halka aqlabiyadu marto,“Xisbigu nidaam ayuu leeyahay halka ay aqlabiyadu marto ayuun baan marayaa ,boosaskaa ay baneeyeena dad badan oo buuxinayaa way joogaan cidii ila shaqaynaysa ayuun baan diyaar u ahay” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Wariyaha BBC-da Axmed Siciid Cige oo qaaday warasiga, ayaa weydiiyay Madaxweyne Siilaanyo inuu isasoo sharaxi doono shirka Golaha Dhexe ee loo balan sanayahay 10 November 2015, wuxuuna ku jawaabay sidan:-“hala gaadho wakhtigeeda ka hordhici maayo ” ayuu yidhi Madaxweyne oo u muuqday qof hadda ku baraarugay dhacdooyinka siyaasadeed ee soo waajahay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380