Araweelo News Network
Ali SamatarVirgina(ANN) jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka, isagoo da’diisu ay ahayd 85 jir, wuxuuna ku geeryooday cisbitaal ku yaalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid kamid ah qaraabadiisa.

Cali Samatar, wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sida wayn ugu lug lahayd dhismaha milatariga Soomaaliya, balse xiliyadii sideetanaadkii dagaaladii ka dhacay Somalia, wuxuu ahaa sarkaalka ugu sarreeya xiligan ee dawladdii kacaanka oo ay ku socotay dacwad ka dhan ah, isagoo loo haystay xasuuqii kumanaan shacbiga gobolada Woqooyi oo waqtigan ah Somaliland oo ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Bare si badheedh ah u xasuuqeen.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sanaddii 2010-kii go’aamisay in dacwad la xidhiidha xasuuqa lagu eedeynayay lagu soo oogi karo jenaraal Samatar, wuxuuna Jeneral Samatar qirtay inuu ahaa ninki bixiyay amarka duqaymihii diyaaradaha ee Hargeysa iyo Burco, balse wuxuu ku dooday in aanu wax denbi ah gelin, isagoo eedaymahaa ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan.

Gen; Cali Samatar ayaa hore Maxkamad ku taal Maraykanku ugu xukuntay lacag 1milyan dolar ah, taas oo ay sheegtay inay noqonay magdhaw dadkii uu xasuuqa u geystay, isagoo aan dafirin denbiyadii iyo xasuuqii dadka shacabka ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka tacsiyeeyay geerida jeneraal Maxamed Cali Samatar.