Qaabka Dadka Loo Aasayo iyo shuruuddaha lagu soo rogay, Maayarka Jigjiga oo ka hadlay

Jigjiga(ANN)- Magaalada Jigjiga ee maamulka kililka shanaad ee Ethiopia, ayaa shaaciyay qorshe cusub iyo shuruudo  lagu soo roggay maydka marka ay dadku dhintaan.

Qorshaha cusub ee qaabka loo aasayo dadka dhinta iyo qorshe cusub oo loo qorsheeyay xabaallaha dadka dhinta, waxa ka hadlay  Maamulka magaalada Jigjiga oo shaaciyay nidaamkan cusub ee dadka geeriyooda loo aasayo.

Maamulka magaalada Jigjiga, ayaa sheegay in ay khibrad wadaag u tageen magaalooyinka Somaliland ee Hargaysa iyo Harar oo ka mid kuwa ugu taariikhda weyn magaalooyinka Ethiopia, halkaas oo sida ay sheegeen ay kusoo arkeen nidaamka dadka loo aaso iyo qaabka loo qorsheeyo xabaalallaha,  sida uu Maayarka magaalada Jigjiga u sheegay BBC.

Maayarka Jigjiga Shaafi Axmed Macalin, ayaa sheegay in qofka ehelkiisa aasayaan laga rabo in uu la xidhiiddho iskaashato lagu wareejiyay dhulka loo diyaariyay xabaallaha, iyadoo xabaallaha magaalada oo dhan lagu soo koobay hal meel, halkii ay markii hore ahayd meelo kala duwan, iyadoo meelahaa oo markii hore aha xabbaallo xilligan ay qaar ka mid ah dhulka lagu aasayay maydka  ay gaadhay magaaladu.

Nidaamka cudub ee Jigjiga, ayaa noqonaya in Qofka la aasayo ay iskaashatadu ku aasaysaan lacag dhan 15000 oo birr, ayadoo loo diyaarinayo xabaashii oo dhamaystiran. sida uu sheegay Maayarka

Maayarka Jigjiga Shaafi Axmed Macalin ayaa sheegay in guud ahaan magaaalada Jigjiga ay badnaayeen tirada xabbaallaha, taas oo  sida uu sheegay dhibaato ku ahayd magaalada, xilliyada qaarna la waayi jiray sida uu sheegay goob maydka lagu xabaalo.

Hase yeeshee “Waxaa la isla qaatay in la sameeyo xabbaallo casri ah, lagana hirgaliyo aagga magaalada ee loo yaqaano qubuuralay, halkaas oo aan ka diyaarinay dhul gaadhaya 150 qoodi, oo u dhiganta ( 607,028 m² ) ‘dhulkaas oo aan is leenahay wuxuu shaqayn doonaa 20 sano”, ayuu yidhi maayarka Jigjiga.

 ujeedada ugu wayn ayuu sheegay in ay tahay in la ogaado dadka la aasayo si loo diwaangeliyo qof kasta oo geeriyooda, waxaana qofka dhintay lagu diwaan galinayaa magacgiisa oo sadexan, sababta uu u geeriyooday iyo goobta uu ku geeriyooday.

Maayarka jigjiga, Shaafi Axmed, ayaa sidoo kale,  sheegay in arrintan ay ka caawinayso dhanka amniga taas oo qofkii geeriyooda ay la soconayaan si maalinle ah, maadaama todobaadyadii ugu danbeeyay ay dhaceen faldanbiyeedyo guddaha magaaalada ka dhacay.

”In marka hore dadku helaan adeeg, dhulkana sidii la rabay looma maamulayn, cagaf ayaa lagu qodayay oo runtii meeshii sadex qof lagu aasi lahaa laba qof lagu aasayay iyada oo xabaal bilaashadana la waynanayo, sidaa oo kale…xagga amniga way naga caawin oo cid kasta maadaama oo aan og nahay waxaan si dhamaystiran u diwaan galinaa asbaabta uu qofkaas u soo geeriyooday”.ayuu  u sheegay BBC.

Mar la waydiisay qofkii aan awooddin in uu iska bixiyo lacagta xabaasha iyo sida laga yeeli doono wuxuu sheegay in ka bixinayso dowladda hoose.


“Haddii aanu iska bixin karin meesha ugu dhow ee dowladda hoose ku taallo xafiiskeeda ayuu tegayaai, waxaa kafaala qaadaya aaska marxuumka haddii uu danyar yahay oo aannu iska bixin karin adeegga dowladda hoose, keliya qofkii awoodaya inuu iska bixiyo ayaa looga baahan yahay shan iyo tobon kun oo birr, ka aan awoodinna waxaa loogu talo galay in kharashka ay ka bixiso dowladda hoose”.ayuu yidhi.

Maayarka oo sharaxaya ujeedada ay hal xabaal ugu soo koobeen magaalada, wuxuu isagoo ka hadlaya arrintaa u sheegay  BBC inay tahay in xabaalo badan oo magaalada hadda ku yaala ay magaaladu gaadhay taasni ay caqabad ku noqonayso qorsha lagu hagayo magaalada oo sii fidaysa, iska markaana ay koobayso baaxada magaalada.


Mar la weydiiyay in qorshaha cusub dowladda hoose u soo jiidayo dakhli kasoo gala xabbaallaha., isagoo yidhi, “Ugu maanan talo galin in meeshaas uu naga soo galo dhakhli keliya, waxaan ugu talo galnay in dadka caasimaddu ay helaan adeeg hal goob ah oo la isku halayn karo maadaama ay magaalada si deg deg ah u fidayso. ayuu raaciyay.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/