Kismaayo(ANN)-Maamul goboleedka Soomaaliya ee Jubbaland oo xaruntiisu tahay Magaalada Kismaayo, ayaa shanta sannadood ee soo socda loogu doortay Axmed Maxamed Islaam oo horre u ahaa Madaxweynaha Jubbaland.

Markii codaynta la bilaabay, waxa natiijadeeda lagu dhawaaqay in Axmed Madoobe uu helay 56 cod, halka ay Canab Maxamed Daahir oo tirada codadka kusoo xigtay ay gashay kaalinta labaad, iyadoo heshay 17 cod., waxaana codeeyey 73 xildhibaan oo madasha ka xaqiijiyay inay doorteen Axmed Madoobe.

Doorashada, maamulka Jubbaland, ayaa si weyn indhaha loogu hayay iyadoo ay danaynayeen dawladdaha gobolka dawladda Federaalka iyo dalal kale oo arrimaha Soomaaliya gamacaha kula jira iyo Qaramada Midoobay, waxaana soo baxayay doorashada ka hor baaqyo lagaga hadlayo doorashadaa oo ka imanayay dalalka shisheeye, dawladda Federaalka iyo xataa qaramada Midoobay, kadib karkii ay loolanka doorashada ka dhalatay xiisad siyaasadeed.

Waxaana markii dib loo doortay Axmed Madoobe soo baxday in  xildhibaannada la baxay Is-beddel doonka ee Jubaland ay maanta shaaciyeen inay madaxweyne u doorteen Xildhibana Cabdirashiid Xiddig, oo ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya, isla markaana qayb ka ahaa kooxaha kasoo horjeeda Axmed Madoobe.

Dhinaca kale, Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa horre u sheegtay in aanay  aqoonsan doonin natiijada kasoo baxda hanaanka doorashada Jubbaland, iyadoo Axmed Madoobe iyo Dawladda Federaalka ah khilaaf weyn u dhexeeyey, kaas oo salka ku hayay samayntii golaha Maamul goboleedka ee dhawr sanno ka hor ay sameeyeen maamul goboleedyadu.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa qoraal ay soo saartay shalay kaga digtay, in wax kasta oo ay noqoto natiijada doorashada maanta dhacday, laga fogaado rabshad, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo wixii khilaaf ah ee jira.