Hargeys (ANN)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Maxamed Kaahin Axmed  ayaa Khilaafka Xisbiga dusha u saaray Madaxweynihii hore Muuse Biixi oo muddo dhee ay ahaayeen saaxiibo halgan iyo taariikh wadaagay.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Dhawaaqyo xanbaarsan dhaleecayn iyo wheedho aan looga baran ayaa warbaahinta laysu mariyay. iyadoo uu markii u horaysay warbaahinta laga arkay Khilaafka siyaasiga ah ee ka jira guddaha Xisbiga oo middooyinkii u danbeeyay duul-duul ku ahaa Bulshada , balse xiligan Fagaaraha siyaasadda laga arkayo.

Weedhaha ay warbaahinta isu marayeen labada Oday ayaa noqonaya kuwo dibadda usoo saaray Khilaafka huursanaa oo isa  soo tarayay wixii ka danbeeyay doorashadii Madaxtooyadda ee lagaga adkaaday 13 Nov 2024.

Xisbiga KULMIYE,  ka sokow guuldaradii murrashaxa    Madaxweyne oo u tartamayay markii labaad Kursiga madaxtooyadda Muuse Biixi uu ku sigtay inuu inuu Xisbiga Kulmiye usoo gudbi waayo tartanka Xisbinimo, balse uu kusoo gudbay fara caaradood. Jawaabta guddoomiye Kaahin halkan ka raac muuqaalka oo dhammaysritan.

Labada Oday Kaahin Iyo Biixi waxay mudda dheer ahaayeen jilayaal soo wada maray duruufo halgan xilliyo Adag iyo waayo siyaasadeed oo kala duwan, waxayna ahaayeen saaxiibadii ugu danbeeyay ee kooxdii saraakiisha Milateriga  ee halgankii Ururkii SNM ee (Calancas) oo ahayd koox si gaar ah isugu xidhan oo iska xigtaysta saraakiishii kale ee halganka iyo siyaasiyiintii hormoodka u ahaa halganka iyo xorayntii dalka.

Dhinaca kale,  Madaxweynihii hore Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay maanta ayaa qiray Khilaafka Xisbiga kulmiye, wuxuuna tilmaamay in koox dhalinyaro ah qas ka abuureen Xisbiga, laakiin aanay aqbalayn.
“Anigu waa nasanayayoo gurigaygaan iska joogay, Maxamed Kaahin Guddomiyaha Xisbiga waa nin dulqaad baddan haddii uu Murrashax yahayna aniga isaga ayaa codkayga leh, waxaase jirta qoraalka guddidu soo celiyeen ee Xisbiga ayaa ahaa mid khalad ku jiray, hawshaasina si fiican ayay u dhammaanay shirkana waa la qabanayaa ” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Maxamed Kaahin waa nin aan saaxiib nahay halgan soo wada maray, hanti iskuma haysano xoolana iskuma hayno,   Maxamed xil ayuu hayaa waa nin Xisbi dhacay u madax ah oo shinni ayaa ku ururtay. dhalinyaraa ku buuqay hawl badan ayaa haysta aniguna waxan ku jiraa nasasho markaa isma aragno inta baddan, wixii talo ahna waan u gudbiyaa ayuu yidhi. Muuse Biixi Khilaafka isaga iyo saaxiibkii Maxamed Kaahin.

Mar uu ka hadlay Xukuumadda xilka kala wareegtay iyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

 Madaxweyne Muuse Biixi   iyo aragtidiisa Madaxweyne Cirro: “Waa run oo Madaxwaynuhu (Cirro) safaaradaha dunida ayuu ka soo shaqeeyey oo diblomaasi wuu yahay, muddada uu shaqaynayeyna waa muddo yar oo waa sannad, sannadka horena carcartiisa iyo dhibaatadiisa ayuu iska leeyahay, dhibaatooyin badanna way la kulmeen oo dhinacyo badan leh.
Ereyga diblomaasiyaddu horta Af-soomaali maaha, macnaheeduna wuu badan yahay, waanay wejiyo badan tahay, markaa wax kale sheegi maayee waxaan ku odhan lahaa uun, diblomaasiyadaay doobir! Marka uu geelu dido ayaa la yidhaahdaa doobir, markaa waxaan leeyahay diblomaasiyadaay doobir!”

Muuqaalka Madaxweynihii hore Biixi kaga Hadlay arrimaha Xisbiga Kulmiye halkan kaga ka raac .