SoljakulanHargeysa(ANN)Golaha Sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa kal-fadhigoodii koowaad ku yeeshay xarunta ururkaas ee magaalada Hargeysa, waxaana gebagebadii kulankaa laga soo saaray qodobo lagaga hadlay xaaladdo iyo waxyaabo kala duwan.

Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha ururka SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo Hargeysa laga soo saaray 16 March 2015, kaas oo u qornaa sidan:-
“Kal-fadhigii 1aad ee Golaha Sare ee shannaad ee Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo Arbacadii 16 March 2015, ku qabsoomay xarunta dhexe ee ururka Magaalada Hargeysa, ayna ka soo qaybgaleen 12 xubnood oo ka mid ah 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Goluhu, ayaa lagu naaqishay qodobo dhawr ah oo ay ka mid ahaayeen dhagaysiga warbixino ay madasha shirka ka soo jeediyeen Guddi-hoosaadyada Golaha, Hawlqabadka Xafiiska Fulinta ee Ururka oo xubnaha golaha sare ay warbixintiisa ka dhagayseen ku-simaha Agaasimaha Fulinta ee SOLJA.

Sidoo kale, guddidu waxa ay warbixin dheer ka dhegaysteen Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guud, warbixintaa oo la xdhiidhay dhammaan hawlgalkii SOLJA ee muddadii hoggaanka cusub xilka ururka hayeen laga oo bilaabo 7-dii January 2015 oo ahayd maalintii rasmi ahaan golaha sare ee ururku xilka la wareegeen, iyadoo warbixintooduna dhinacyo badan ka taabanaysay wax-qabadka ujeedooyinka ururku u aasaasan yahay. Sidoo kale kal-fadhiga koowaad ee Golahan waxa shalay (Arbacadii) lagaga hadlay qorshayaasha lixda bilood ee soo socda ururku ka shaqayn doono, iyadoo qiimayn lagu sameeyey qorshe-biloodyadii hore ee ururka u yaalay wixii ka qabsomay iy wixii qabyo ahaa.

Hogaanka Ururka oo kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud ayaa halkaasi ka jeediyey warbixino dhaadheer oo si faahfaahsan uga warramayay hawlihii shaqo ee muddadaa saddex biloodka ah, sida weriyayaashii la kulmay xad-gudubyada, kuwii xannuunsaday iyo tallaabooyinkii ay hogaanka ururka iyo gudidooda difaaca suxufiyiintu ka qaadeen abuuritaan jawi is afgarad oo u dhexayn kara suxufiyiinta shaqadooda ku jira iyo dhinacyada kale, xidhiidhadii lala sameeyey hay’adaha samofalka, mashaariicdii la diyaariyey iyo waxa ka soo noqday, dakhligii soo galay iyo waxyaabaha lagu qabtay, oo ay soo raacaan yagleelida xarun tababar iyo maktabad u gaar ah suxufiyiinta oo laga hirgeliyey Xarunta ururka, agabka adeega xafiiska looga baahnaa ee la soo kordhiyey, sida gaadiidka iyo qalabka xafiisyada.

Xubnaha Golaha sare ee SOLJA waxa ay doodo iyo tallooyina ka yeesheen, islana qaateen in la labanlaabo, lana xoojiyo difaacidda xuquuqda suxufiyiinta ka hawlgala dalka iyo ilaalinta xorriyatul-qawlka guud ahaan, taasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen cabashooyin la xidhiidha arrimahaasi, isla markaana goluhu isku raacay in dhinac kasta oo ay khusayso lagala shaqeeyo sidii gabi ahaanba dalka looga cidhib tiri lahaa tacaddiyada ka dhanka ah xorriyatul-qawlka.

Gabagabii Shirka Golaha Sare ee SOLJA waxa ka soo Baxay Qodobadan:

In la kordiyo ilaalinta difaaca xuquuqda suxufiyiinta Somaliland, lana yareeyo tacaddiyada ay la kulmaan saxaafadda iyo suxufiyiintu, iyada oo SOLJA si walba ugu dadaali doonto sidii albaabada loogu furi lahaa xarumaha warbaahineed ee xidhan, sida Wargeysyada HUBAAL iyo HAATUF.
Muddadii uu xilka hayay hogaanka ururku waxa uu ku guulaystay in ay si degdeg ah u soo daayeen 10 suxufi oo siyaalo kala duwan loogu xidhay gobolada dalka, kuwaas oo isla markii xadhiga lagula kacayba ay wadahadalo kala galeen xukuumadda, kuna baaqayaan in aanay soo noqon xadhiga suxufiyiintu.

Hogaanka SOLJA muddadii ay xilka hayeen waxa ay si maalin leh ula socdeen, una eegayeen wararka iyo barnaamijyada ay baahiyaan suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahineed, kuwaasoo ururku wax badan ka qabtay sidii loo tayayn lahaa wixii dhib ah ee warbaahintu gaysatay, qiimayntan iyo la socodkan ayaa la joogtayn doonaa, iyada oo Ururka SOLJA kula xisaabtami doono warbaahinta tacadiyada ay gaystaan, difaacina doono xuquuqdooda iyo xorriyatul qawlka.

SOLJA waxa uu iska xil saaray, door weyna ku leedahay suxufiyiin dhawr ah oo ku xannuusanaya dalka, kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey u jifay xannuuno kala duwan iyada oo hawsha suxafiyiintaasi lagu gargaarayaana uu ururku gacanta ku hayo.

Dardargelinta xidhiidhadii aadka u badnaa ee muddada kooban Hogaanka SOLJA la sameeyeen daneeyayaasha caalamiga ah ee arrimaha saxaafadda (Media Stakeholders) iyo xorriyatul qawlka, iyo daba galka mashaariicdii daneeyayaashaasi ballanqaadeen sidii SOLJA uga midhodhalin lahayd, mashaariicdaasoo qiimo weyn ugu fadhiya guud ahaan saxaafadda iyo suxufiyiinta Somaliland.

In la ambaqaado, lana dardargeliyo guusha taariikhiga ah ee markii ugu horraysay taariikhda SOLJA laga gaadhay bogga cusub ee u furmay iyada iyo daneeyayaasha arrimaha saxaafadda ee heer Gobol, mid qaaradeed iyo mid caalamiba oo si rasmi ah markii ugu horraysay u aqoonsaday muhiimadda wada shaqayneed ee SOLJA iyo in ay dhisaan awoodda ururka.

Muddadii koobnayd ee Hogaanka SOLJA xilka hayay waxa ay ku guulaysateen in ay abuuraan deegaan iyo jawi ku habboon hawlaha ay SOLJA u hayso saxaafadda iyo suxufyiinta oo ay ka mid yihiin qalabayn weyn oo lagu sameeyey xafiiska ururka qaybihiisa kala duwan, taasoo keentay in ay xafiiska ku soo xidhmaan suxufiyiin badan, kana faa’iidaystaan tas’hiilaadka (Facilities) laga hirgeliyey xarunta

Waxa xusid mudan in ururku u hawlgalay sidii gunne joogto ah loo siin lahaa qoysaska ay ka baxeen Alla ha u naxariistee Suxufiiintii kala ahaa: M M. Kastan, Cabdiweli Faarax Jaambiir, Siciid Ismaaciil Guraase iyo Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, taasi oo hirgashay Wasaaradda Warfaafintuna ku ammaanan tahay doorka ay arrinkaasi ka gaysatay

Kulanka Golaha sare ee SOLJA waxa loogu mahadceliyey dhinacyadii kala duwanaa ee kaalinta muhiimka ah ka ciyaaray kor-u-qaadidda awoodda ururka si uu ula jaan qaado ururada dhiggiisa ah ee heer qaaradeed iyo mid caalami ahba, iyada oo si gaar ah loo xusay shirkadihii gacanta ka gaystay arrimahaasi aan kor u soo sheegnay, gaar ahaan doorki shirkadaha waddaniga ah ka gaysteen qalabaunta xafiiska iyo Arrimaha Lojistikada

Golaha sare waxa uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey shaqaalaha agaasinka guud ee xafiiska oo ay ka dhigeen shaqaale rasmi ah markii ugu horraysay taarikhda ururka (Permanent Staff)

Golaha sare waxa ay ansixiyeen qorshe hawleedka iyo dib-u-habaynta nidaamka xafiiska (Office Manuals) oo la diyaarin doono muddada dhaw, iyadoo loo xil saaray khubaro la taliyayaal ah oo xafiiska ka caawin doona diiwaanada nidaamka xafiiska oo dhan.

SOLJA waxa ay dhawaan dalka ka bilaabi doonaan diiwaangelin rasmi ah oo lagu samayn doono dhammaan suxufiyiinta Somaliland ee rasmiga ah, si meesha looga saaro cid kasta oo aan mihnaddan ku abtirsan, balse ugu shaqaysata sifo baal marsan nidaamka dalka u yaal, iyadoo ujeedadu tahay si loo helo xogta rasmiga ah ee Suxufiyiinta Somaliland,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay ururka SOLJA.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.