UHURUNairobi(ANN)Dawlada Kanya, ayaa xayiraad saartay in ka baddan shan boqol oo isugu jira Ururada loo yaqaan NGO, Ururada aan dawliga ahayn iyo Hay’addo ka hawl gelayay dalkeeda oo hawlo kala duwan oo la xidhiidha samafal ka waday halkaa.
Sidaana waxa sheegay Afahayeen u hadlay Dawlada Kanya oo lagu magcaabo Dennis Itumbi, kaas oo barta uu ku leeyahay Facebook, ku shaaciyay inay xukuumadda Kanya xayiraad saartay, isla markaana ka mamnuucday dalkeeda. Kadib markii sida uu sheegay qaar ka mid ah Ururadaa oo ka shaqeeyay Bariga Afrika iyo meelo kale, balse xaruntoodu tahay Nairobi la oggaaday in gabood ka dhigteen dad sida uu sheegay denbiyo ka galay Kanya.
Sidoo kale Afhayeenka u hadlay Kanya ayaa sheegay in 12 ka mid ah 510 Urur iyo Hay’addo oo ay xukuumaddu mamnuucday soo baxeen mad-madaw iyo khaladaad la xidhiidha xisaabaadkooda dhinaca Bangiga, taas oo muujisay in lagu leeyahay 500 Million oo shilin oo lacagta Kanya ah, taas oo u dhiganta $ 5.53 Milion. Sida lagu arkay dukumentiyo kusoo baxay baadhistii lagu sameeyay 12 ka mid ah 510 Ururo iyo Hay’adood ee laga mamnuucay dalka.
Afhayeenka u hadlay Xukuumadda Kanya, waxa kale oo uu sheegay in Ururada iyo Hay’addaha la mamnuucay qaarkood shaqaale ajaanib ah ay ka hawl geli jireen, kuwaas oo ay dalka soo gelinayeen, iyagoo baalmaraya, ama aan dhamaystirin shuruucdii iyo waajibaadkii loo baahnaa ee qaanuunka dalka Kanya.
“Waxa ku jira 15 ka mid ah kooxo denbiilayaal ah oo denbiyo falal aragagixiso iyo kuwo dhaqaaleba ku taageeray kooxaha argagixisada, balse ma magcaabayo hadda kuwaa, waxaana lagu oggaaday baadhista hay’adda Sirdoonka iyo Booliska Kanya” sidaa waxa yidhi Afhayeen u hadlay Guddida sare ee Xidhiidhinta Ururada loo yaqaan NGO’s ee dalka Kanya.
Tallaabada Xukuumadda Dalka Kanya ee Uhuro Kanyata ku mamnuucday Ururada iyo Hay’addaha ka hawl gelayay dalkeeda, ayaa ka danbaysay. Kadib weeraro si weyn u dhaawacay amaanka dalka Kanya oo si xidhiidh ah uga dhacay guddaha dalkaa todobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay ku naf waayeen 64 qof oo shacab u baddan iyo sidoo kale weerarkii Westgate ee Sep, 2013, kaas oo ahaa mid si weyn usoo jiitay indhaha beeshaa caalamka oo ay ku nafwaayeen 67 qof oo qaarkood ahaayeen Dublamaasiyiin ajaanib ah iyo dad caan ah oo u dhashay dalal shisheeye, waxaana weeraradaa dhamaantood iyo kuwo kale oo ka dhacay gudaha Kanya xiliyo kala duwan sheegtay Ururka Al-shabaab ee dagaalka kula jira xukuumadda Somalia iyo wadamada Ciidamadu ka joogaan Somalia ee ay Kanya ka mid tahay.
Dhinaca kale Hay’addaha Xuquuqda Aadamaha ee Caalaamiga ah, ayaa canbaareeyay tallaabada Xukuumadda Kanya xayiraada ku saaratay Ururadaa iyo Hay’addahaa oo u baddan kuwo hawlaha ay qabanayeen ahaayeen kuwo samafal, balse aan wax siyaasad ah ku lug lahayan, balse xukuumadda Kanya, waxay dhegaha ka furaysatay dhawaaqyada Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ee la xidhiidha arrimahaa, waxayna taallaabada ay qaaday ku tilmaantay mid ay ku hagaajinayso amaankeeda.

 

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com