cidamadakenyaqaraxminoNairobi(ANN)Dawlada Kenya, ayaa albaabada u laabtay Huteel ay ganacsato u dhashay Dalka China. Kadib markii lagu eedeeyay inay ku kaceen falal cunsuriyad iyo midab takoor ah, iyadoo dadka Madaw loo diiday inay wixii ka danbeeya shanta galabnimo wax ka iibsadaan, isla markaana loo ogolyahay dadka cadaanka ah oo keliya habeenkii.

Huteelka oo markii sheekadiisa la maqlay caan ka noqday magaalada Nairobi, isla marakana faallooyin iyo faaqidaad la xidhiidha sharcigiisa lagaga dooday baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee dhinaca Internetka, ayaa koox weriyayaal u dhashay dalka Kenya xaqiijiyeen dhaqanka cusub ee Huteelkaa oo loo arkay mid midab-takoor ku shaqaynaya, kadib markii loo diiday kooxda weriyayaasha ah oo ahaa madaw in aan loo ogalayn dadka madaw wixii ka danbeeya marka la gaadho shanta galabnimo. Sida ay ku wargeliyeen weriyayaasha maamulka Huteelku.

Dhacdadaa, ayaa ka cadhaysiisay bulshada Kenya, waxayna arrintaasi sababtay inay xukuumadda Kenya Alabaabada u laabto Huteelkaa, iyagoo ku tilmaamay mid aan wax sharci ah haysan oo si sharcidaro ah u shaqaynayay, isla markaana goobta uu ka furnaa iyo qaabka uu u shaqaynayay ay gebi ahaanba ahaayeen kuwo sharacidaro ah.

Ganacsatada Huteelka, ayaa ku dooday in aanay ujeedadoodu ahayn midab-takoor iyo cunsuriyad, balse sababta ay dadka madaw ugu diideen Huteelka habeenkii waxay ku tilmaameen sababo la xidhiidha amaankooda , iyagoo sheegay in aanay kala garanayn dadka madaw kuwa tuugta ah ee doonaya inay wax dhacaan iyo kuwa caadiga ah ee doonaya inay wax ka iibsadaan. Sidaa awgeed ay ka mamnuuceen dadka madaw huteelka marka la gaadho shanta galabnimo, waxayna ku doodeen in marar baddan ay dhac iyo boob u geysteen dad madaw oo afrikan ah. Kadibna ay go’aankaa qaateen si ay uga badbaadaan dhac iyo boob loo geysto, ama dhibaatooyin kale oo soo gaadha iyaga iyo ganacsigooda.

Hase yeeshee dooda ganacsatada u dhashay China, ayaa noqotay mid xaalada sii kicisay, iyadoo dooda warbaahinta iyo bulshada Kenya iyo kuwa wadamada kale ee Afrika ka sokow ay waraahinta aduunku indheheeda kusoo jeedisay dhacdadaa oo doodo baddan abuuray, isla markaana rayal caamka bulshada dalal baddan oo afrika ah ay si weyn uga cadhoodeen, iyagoo ku tilmaamay nasiibdaro in China xiligan casriga ah ee ilbaxnimada iyo xadaarada bulshooyinka aduunku isu furmeen ee qarnigii 21aad Afrika la tago cunsuriyad iyo midab-takoor.

Xukuumadda Keneya, ayaa December 2014, sanadkii hore xabsiyada ku gurtay ku dhowaad 100 qof oo u dhashay dalka China, kuwaas oo lxadhigooda lala xidhiidhiyay inay wadeen qorshayaal iyo farsamooyin cusub oo dhinaca Technology-da iyo internetka lagu dhacayo shirkado iyo Hay’addo caalami ah, waxaana dadkaa oo sitay Telefoonada gacanta ee Smart Phone badankooda laga ururiyay goor habeen ah Guri kuwa lagu raaxaysto ah oo u dhow meel aan ka fogayn dhismayaal safaaradaha Maraykanka iyo xarunta qaramada midoobay, iyadoo arrintaa dawlada Kenya iyo China xidhiidhkooda shaki gelisay.(Riix Halkan ku dhowaad 100 Chine ah oo lagu xidhay Nairobi December 2014).

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews