Araweelo News Network
daabulkaqoxootigadhadhaabNairobi(ANN)Dowladda Kenya ayaa bilowday qorshe ay dooneyso inay dib ugu celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada qaxootiga Dhadhaab, iyadoo qaxootiga ay si iskood ah u laabanayaan.

Waxaana la bilaabay is diiwaan gelinta qaxootiga, kuwaas oo u diyaar garoobaya sidii ay dalkooda dib ugu laaban lahaayeen.

Hey’adda UNHCR ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta uu si rasmi ah u bilowday maalinimadii shalay, iyadoo la fulinayo heshiiskii saddex geesoodka ahaa, kaasoo dhigaya in si aan qasab aheyn loo celiyo qaxootiga.

Sidoo kale UNHCR ayaa sheegtay in qaxooti Soomaaliyeed oo gaadiid looga qaaday xerada qaxootiga Dhadhaab la geeyay degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta qaxootiga aanu aheyn mid qasab ah, isla markaana dib u celinta ay u dhici doonto qaab nabdoon.

Qaxootiga ayaa si iskood ah u go’aansaday inay dalkooda dib ugu laabtaan, kadib muddo labaatan sano ah oo ay ku sugnaayeen xerada qaxootiga.

Dowladda Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhowaan isku afgartay in dib u celinta qaxootiga loo maro heshiiskii saddex geesoodka ahaa, waxaana dowladda Kenya ay ka laabatay go’aankeeda ahaa inay xoog dadka qaxootiga loogu celiyo dalkooda.