Nairobi(ANN)-Xuukuumadda dalka a Kenya oo khilaaf siyaasadeed u dhexeeya Soomaaliya, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya  ee Madaxweyne Farmaajo ugu hanjabtay inay xidhiidh toos oo dibloomaasiyadeed iyo Aqoonsi buuxa u fidinayso Somaliland oo muddooyinkii u dambeeyey xidhiidhka ay la wadaagtaa sii xoogaystay, halka uu taa bedelkeeda sii xumaanayay xidhidihka Dawladda Kenya  iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Hadalka Dowladda Kenya , ayaa kusoo beegmay xili ay dowladda Kenya  diyaarisay liis ay ku qoran yihiin magacyada 66 sarkaal oo Soomaali ah, kuwaas oo ay ka mamnuuci doonto inay soo galaan dalkeeda.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee salka ku heysa muranka labada dal u dhaxeeya ee ku saabsan xuduudda badda, sida ay ku warrameen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee Kenya.

Warqado diblomaasiyadeed oo uu arkay wargeyska The Standard ayaa muujinaya in Kenya ay dhiseyso xayndaab, kaasoo ay ku eedeysay Soomaaliya inay ugu xad gudbeyso “si joogto ah”.

Magacyada ku jira liiskan sirta ah ayuu wargeysku sheegay inay ka mid yihiin wasiir ka tirsan xukuumada Soomaaliya, ra’iisal wasaare hore, xubin ka tirsan baarlamaanka, ku xigeenka madaxa sirdoonka ee Soomaaliya iyo milkiileyaasha shirkad isgaadhsiineed.

Muwaadiniin reer Kenya ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, kana dhashay qabiilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sidoo kale ku jira liiska, sida uu wargeysku xusay.

Waxa xusid muddan Bishii lasoo dhaafay, saddex siyaasi oo Soomaali ah ayaa loo diiday inay gudaha u galaan Kenya.

Sidoo kale waxaa dib loo soo celiyay xeerkii diyaaradaha Soomaaliya ka yimaada ka hor istaagayay inay si toos ah uga soo degaan garoonka caalamiga ah ee magaalada Nairobi, waxaana lagu amray inay ku hakadaan, laguna baadho magaalada Wajeer ee gobolka NFD, ee dhulka Soomaalida.

Bishii March, 2019,  ayay ahayd markii ay Kenya iyo Soomaaliya dib u cusbooneysiiyeen xidhiidhkooda diblomaasiyadeed, ka dib markii uu soo kala dhex galay muran xoog leh oo la xidhiidha lahaanshaha xadka badda, halkaasoo hodan ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee shidaalka.

Sidoo kale i February, 2019,  safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa laga eryay waddanka, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Soomaaliya ay beecisay shidaalka ku jira xadka badda ee lagu muransan yahay.

Hase yeeshee, dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa beenisay inay iibinaysay kheyraadka  Soomaaliya dacwad arrintan la xidhiidha ugu gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, taasoo wali laga dhursugayo inay soo saarto go’aanka kama dambeysta ah.

Muranka Kenya iyo Soomaaliya ee xadka badda waxaa uu haatan socdaa ku dhawaad 10 sano, wuxuuna ku saleysan yahay sida loo cabbirayo xadka badweynta Hindiya ee labada dhinac.

Soomaaliya waxay dooneysaa in cabbirka xadka badda si toos ah loola dharariyo xadka dhulka, halka Kenya ay dooneyso in la weeciyo.

Baaxadda ay ku fadhido badda lagu muransan yahay waxaa uu gaadhayaa ilaa 100,000km oo isku wareeg ah.

Taariikhda muranka badda Kenya iyo Soomaaliya:

April 7, 2009:- Dowladdii Kumeel Gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Kenya ayaa kala saxeexday heshiis Isfahan ah oo la xidhiidhay Qalfoof-badeedka.

Qalfoof-badeed waa barta ay ku kulmaan labada biyayaw ee dalalka Somalia iyo Kenya.

Heshiiskaasi waxaa dhinaca Soomaaliya u saxeexay Cabdiraxman Cabdishakuur, oo xilligaasi ahaa wasiirkii qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah.

Dhanka Kenya waxaa u saxeexay Moses Wetangula, oo xilligaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Kenya.

Heshiiskaa kuma jirin arrinta la xidhiidha xadka badda, balse wuxuu dhigayay hanaankii loo mari lahaa in lagu xalliyo khilaafka xadka badda ee laba dal u dhexeeya.

August 1, 2009:- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood dheer ka dib, aqlabiyad ballaadhan ugu codeeyay in la laalo heshiiska isafgaradka ahaa ee dhex maray Soomaaliya iyo Kenya.

Kulan aan caadiga ahayn oo ay yeesheen ayay Baaramaanka gebi ahaanba ku diideen in xitaa doodad ku saabsan arrintan dib loo dhigo, oo wasiirka arrintan khuseyso la siiyo fursad oo ku faahfaahiyo heshiiska.

July 13, 2015:- Sannad ka dib markii ay ku war galisay maxkamadda iney dacwad u soo waddo, Soomaaliya ayaa rasmi ahaan kiiska badda u geysay maxkamadda cadaaladda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali ayaa sheegay in arrintan ay go’aankeeda gaadhi karto oo keliya maxkamaddaasi, halka Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya ee xilligaasi Githu Muigai uu isagana uu sheegay in Soomaaliya ayna xaq u lahayn in kiiskan ay geyso maxkamaddaas.

December 18, 2017:- Kenya ayaa xareysay jawaabta ay ka bixineysay kiiska ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee ICJ.

Xeerilaaliyaha Guud ee Kenya wuxuu ku dooday in maxkamadda ayna xaq u lahayn inay go’aan ka gaadho kiiskan. Wuxuu codsaday in arrintan ay labada dal ku xalliyaan wadahadal.

Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda bixisay jawaabteeda ku aaddan codsigii Kenya ay maxkamadda uga dalbatay in arrintan dibedda maxkamadda lagu xalliyo.

Xeerilaaliyaha Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa ku adkeystay in Soomaaliya ay u aragto in maxkamadda ay tahay goobta keliya ee lagu kala bixi karo. Waxayna xukuumaddiisa diidday dooddii Kenya ee ahayd in labada dhinac ay gaadheen heshiis Isfahan oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah, kaas oo ay tahay in Soomaaliya ay xushmeyso.

Soomaaliya ayaa ku doodday in heshiiskaasi aanu sharci ahayn maadaamma uu diiday baarlamaankii Soomaaliya ee xilligaas.

February 02, 2018:- Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaadhay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Hase ahaatee, maxkamaddu weli ma ayna qaban taariikhda la dhegeysan doono dacwadda.

February 07, 2019:- Soomaaliya ayaa waxay London ku qabatay shir ay ku sheegtay inuu suuq-geyn u ahaa shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka betroolka ee Soomaaliya, Cabdirashid Maxamad Axmed, ayaa sheegay in goobaha sahminta laga sameeyay ay ku jirto qeybta badweynta Hindiya ee Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransan yihiin, isagoo sheegay in Soomaaliya ay leedahay go’aanka la xidhiidha arrintaasi, inta ay maxkamadda cadaaladda caalamiga ee ICJ ay ka soo saareyso go’aankeeda ku aadan murankaasi.

February 16, 2019:- Kenya waxay la soo noqotay safiirkeedii Soomaaliya, waxayna ka codsatay safiirka Soomaaliya ee Kenya inuu dalkiisa ku laabto.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa sheegtay in shirkii shidaalka Soomaaliya ee Lonodn lagu xaraashay “hantida shacabka reer Kenya,” taas oo ay sheegeen inay tahay tallaabo aan loo dulqaadan karin.

February 17, 2019:- Danjiraha Soomaaliya ee ku sugnaa Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu amray inuu dalkiisa tago.