dhadhaab

Somali boys fetch water from a puddle in the sprawling Dadaab refugee complex in Kenya.

Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Nairobi(ANN)Dawlada Kenya, ayaa u qabatay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR ku war geliyay ­­­­in muddo saddex bilood ah ay kusoo xidho Xerada ugu weyn Qoxootiga Soomaalida ee Dhadhaab, haddii ay qaramada Midoobay ku dhaqmi waayaan go’aanka dawlada Kenya waxa ay sheegtay inay xoog ku rarayso dadkaa, isla markaana guddaha Somalia ku daabulay.
Sidaana waxa shaaca qaaday Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, wuxuu sheegay inay sidaa ku war geliyeen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qoxootiga, balse sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay oo aan magaciisa la shaacin, ayaa u sheegay Telefishnka CNN ee laga leeyahay dalka Maraykanka in aanay waxba kala socon arrintaa oo aanay jirin wax dalab ah oo dhinaca dawlada Kenya uga yimi oo la xidhiidha Qoxootiga.
Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, waxa uu ku dooday in dawlada Kenya qoxootiga Soomaalida ee Dhadhaab ku daabulay gudaha Somalia haddii ay mudadaa UNHCR kaga daabuli weydo, wuxuuna tusaale usoo qaatay mar uu ka hadlayay go’aanka ay qaateen inuu la mid yahay kii Dawlada Maraykanku qaadatay markii ay dhaceen qaraxyadii 9/11. Sidaa awgeed waxa uu sheegay in mawqifkoodii hore ay wax ka bedeshay dhacdadii Garissa University Collage, kaas oo ay ku dhinteen 147 qof. Kadib markii kooxda Al-shabaab weerar ka fulisay gudaha Kenya.
“Wax kasta oo ay ku kacayso amaanka dalkayaga waan qaadaynaa, xataa haddaan ku waayayno dhaqaalaha ganacsiga Soomaalida” ayuu yidhi Ruto Madaxweyne ku xigeenka Kenya.
Dawlada kenya, waxay ku dooday in sarkaalkii fuliyay weerarkii u danbeeyay Mohamed Mohamud uu fursad ka helay joogitaanka qoxootiga dhadhaab, isla markaana ay hayaan cadaymo muujinaya arrimahaa oo ay hordhigayaan qaramada midoobay laanta u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR.
Xerada Dhadhaab oo ah ta ugu da’a weyn xeryaha Qoxootiga aduunka, waxa ku nool in ka baddan 500, 000 qof, kuwaas oo tan 1991, markii ay bur-burtay dawladii Somalia ay ku noolaayeen qoxootiga Soomaalida ee ka qaxay Somalia.
Maaha markii u horaysay ee ay Dawlada Kenya ku hanjabtay inay dalkeeda ka rarayso Qoxootiga Soomalida, isla markaana albaabada u laabay xerada qoxootiga dhadhaab, balse sanadii u danbeeyay waxay sidan oo kale dhawr jeer ku hanjabtay inay xidhayso xerayaha qoxootiga ka furan dalkeeda.
Sidoo kale Kenya, ayaa wixii ka danbeeyay weerarkii Gaarissa qaadatay go’aamo adag, waxayna hore u shaacisay go’aan ay xayiraada ku saartay in ka baddan 80 Xawaalado iyo akoono xisaabeed ay leeyihiin shaqsiyaad, iyadoo sabab uga dhigtay arrimo la xidhiidha dhinaca amaankeeda, isla markaana ku tilmaantay in ay shirkadahaasi dhaqaale iyo lacago u gudbiyaan Al Shabaab, balse hay’addaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somalia ayaa ugu baaqay Kenya inay ka laabato go’aankaa oo ay sheegeen inuu yahay mid meesha ka saaraya inay kasii shaqeeyaan Somalia. Sidoo waxay ku sheegeen mid halis ku ah nolosha bulshada Soomaalida ee lacagaha noloshooda dhinaca xawaaladaha loo soo marinayay.
Kenya, waxay sanadkii hore dalkeeda ka mamnuucday in ka baddan 680 Hay’addo caalami ah iyo NGO, kuwaas oo ay la xidhiidhiyeen inay qayb ka noqdeen hawlaha ay hayaan kuwo khatar ku ah amaankooda, balse tallaabooyinka ugu danbeeyay ee ay qaaday Kenya wixii ka danbeeyay weerarkii Gaarisa University College, waxay u muuqdaan kuwo baalmarsan qawaaniinta caalamiga ah oo dhaqaalaha dalka Kenya saamayn weyn ku yeelanaya, isla markaana sii xoojinaya amaanka guddaha ee sii xumaanaya, kuwaas oo ay dheertahay saamaynta ay ku yeelanayaan xidhiidhka beesha caalamka iyo xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
April 3, 2015, weerarkii Garissa ee ka dhacay Woqooyi Bari Kenya, ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca guddaha Kenya, wuxuuna Kenya xusuusiyay weerarkii qaraxyada Safaarada Maraykanka ee Nairobi 1998, kaas oo 200 qof ku dhinteen.
Sep. 2013, waxa dhacay Kenya weerar sidan oo kale, kaas oo ay xarakada Al-shabaab ku qabsadeen dhimaha xarunta ganacsiga ee Westgate Mall, halkaas oo ay sadex maalmood ku haysteen dad u dhashay dalal shisheeye oo dublamaasiyiin ah iyo dad Kenayan ah, balse ugu danbayntii ay si nabadgelyo ah uga baxaeen kooxdii weerarka fulisay, waxaana ku dhintay 67 qof.

Ciidamadda Kenya ayaa dagaal la galay Al-shabaab Oct, 2011. kadib markii laba qof oo ajaanib ah Al-shabaab kasoo afduubtay gudaha Kenya, kuwaas oo ay dhinaca Somalia ula soo gudbeen, balse wixii mudadaa ka danbeeyay Al-shabaab waxay weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo ka fulinaysay gudaha dalka kenya, waxayna weeraradu noqdeen kuwo xaalada amaanka dalka Kenya wax weyn ka bedelay, iyadoo sheegtay Al-shabaab inay weerardu jawaab u yihiin duulaanka ciidanka kenya ee gudaha Somalia, balse ma muuqdaan xiligan in tallaabooyinka ay Kenya qaaday wax ka bedelayaan xaalada sii xumaanay ee dhaqaalaha iyo amaanka dalka, isla markaana waxay go’aamada dawlada kenya noqon karan kuwo go’doon siyaasadeed geliya Madaxweyne Uhuru iyo xukuumaddiisa.
Warbixin: Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.