Mogadishu(ANN)Khasaare dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, ayaa ka dhashay Huteelka Saxafi ee Magaalada Mogadishu. Kadib markii saaka waaberigii lala beegsaday qarax gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa iyo weerar wada soda.

Mid kamid ah Taliyayaasha ciidanka Somalia ugu caansan oo lagu naanaysi jiray Gen.Dhega-badane, xildhibaan Abtidoon Koofi oo ka tirsanaa Baarlamaanka dawlada Somalia iyo Mulkiilihii Hutelka Cabdirashiid Ilqayte, ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaa oo gaadhaya 15 qof, iyadoo ugu yaraan 26 qof ku dhaawacmeen.sida laga soo xigtay saraakiisa dawlada iyo hawlwadeenada gurmadka Caafimaadka.

Weerarka ayaa dhacay saaka waaberigii’ waxayna qaraxa kadib saacado baddan haysteen huteelka kooxda Alshabaab, balse ciidamada dawlada ayaa xili danbe sheegay inay la wareegeen Huteelka oo kuyaal goobaha amaankooda aad loo ilaaliyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxa iyo weerarka lagu qaaday Huteelka.