Araweelo News Network
qaraxMuqdisho (ANN)Ugu yaraan lix qof ayaa la xqiijiyey inay ku dhinteen, in ka badan 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax iyo weerar toos ah wada socday oo lala beegsaday xarunta ciidammada nabadgelyada waddooyinka amma Taraafikada ee magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee shalay.
Qaraxan waxa fuliyey nin watay gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, halka dagaalyahan kale oo doonayey inuu xarunta taraafikada gudaha u galo ay toogasho ku dileen ciidan boolis ah oo halkaas ku sugnaa.
Hawl-wadeennada Cusbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, ayaa warbaahinta u sheegay in cusbitaalkooda la geeyey 15 ruux oo dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen qaraxa iyo weerarka lala eegtay xarunta taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka ee dawladda Soomaaliya.
Lixda qof ee ku dhintay weerarkaas, ayaa la sheegay inay saddex ka mid ah yihiin askar ka tirsanaa booliska Soomaaliya, labada dagaalyahan ee fuliyey weerarka iyo qof kale oo rayid ah.
“Weerarkan waxa soo qaaday laba qof oo ka tirsan Al-shabaab, waxana is-qarxiyey mid ka mid ah labadan qof, kii kalena waxa toogtay ciidammada booliska Soomaaliya.” Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mr. Cabdifataax Cumar Xalane oo saxaafadda kula hadlay goobta qaraxu ka dhacay.
Xarunta ciidammada waddooyinka ee la weeraray waxay ku taal meel ku dhow Safaaradda dawladda Imaaraadka Carabta ee magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo ay xuseen inay fuliyeen xubno ka tirsan dagaalyahannadooda ku sugan gudaha caasimadda Muqdisho, isla markaana ku dileen sagaal askari oo ka mid ahaa ciidammada dawladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, dablay hubeysan ayaa laba qof ku toogtay degmada Xamar-jajab isla shalay, iyagoo ciidanka maamulka Muqdisho sheegteen inay gacanta ku dhigeen dablaydaas.