Araweelo News Network

Gaadika dagaalka oo ku qulqlaya Beledweyn kaddib Xiisadda ka dhalatay dilka

Gaadika dagaalka oo ku qulqlaya Beledweyn kaddib Xiisadda ka dhalatay dilka

Baladweyne (ANN)- Ugu yaraan 15 qof oo isugu jira askar iyo shacab ayaa ku dhintay, tiro ku dhow 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ah oo xoogagga Al-shabaab la beegsadeen saldhig ciidammada dalka Jabuuti ee ka tirsan hawlgalka AMISOM ku leeyihiin magaalada Baladweyne, xarunta Gobolka Hiiraan ee koonfurta waddanka Soomaaliya saacadaihii lasoo dhaafay.
Weerarkan oo loo adeegsaday gaadhi nooca xammuulka ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, waxa lagu bartilmaameedsaday saldhig ciidammada Jabuuti leeyihiin oo ku dhow suuq aad looga dukaamaysto oo ku yaal galbeedka magaalada Baladweyne.
Kooxda Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarka ayaa xusay inay ku dileen 17 askari oo ka mid ah ciidammada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, iyadoo warar madaxbannaan tibaaxeen in xilliga qaraxu dhacay ciidanku dhegaysanayeen khudbad uu u jeedinayey sarkaal sare.
“Gaadhi UD ah oo dusha sare laga soo saaray bal (cawska xooluhu cunaan) ayaa lagu weeraray saldhigga, qaraxa kadibna waxa halkaas ka bilaabmay rasaas culus…. Anigu farmasi ayaan ku lahaa goob aan ka fogeyn saldhgga ciidanka Jabuuti ee weerarka lagu qaaday, waxana igu dumay dhismihii farmasiga ee aan ku jiray.” Sidaa waxa warbaahinta u sheegay goob-jooge magaciisa qariyey.
Waxa uu intaa ku daray, “Markiiba waxa la ii soo sheegay dhimashada gabadh aannu qaraabo ahayn oo ay madaxa kaga dhaceen biro ka duulay gaadhiga xammuulka ee qaraxa loo adeegsaday. Saldhigga weerarku dhacay waa goob aad u mashquul badan, waxana ku yaal suuq lagu iibiyo xoolaha oo dad badan u shaqo tagaan, waxana jira shacab ku dhaawacmay qaraxaas oo la dhigay cusbitaalka Baladweyne.”
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxaas oo lagu tilmaamay kii ugu xoogga weynaa ee ka dhacay dalka Soomaaliya lixdii bilood ee u dambeeyey, balse ilo-wareedyada qaarkood ayaa tibaaxay inuu jiro khasaare weyn isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay weerarka kooxda Al-shabaab la eegteen saldhigga ciidammada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti ee halkaas deggan.
Dhinaca kale, saacado ka hor weerarka ismiidaaminta ah ciidammada dawladda taagta daran ee Soomaaliya ayaa fashiliyey miino lagu aasay mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan ee magaalada Baladweyne.