abdirashid xiirHargeysa(ANN)Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo ee xaruntiisu tahay Magaala Taleex Cabdirashiid Maxamed Axmed (CabdirashidXiir), ayaa rajo ka muujiyay khilaaf siyaasadeed oo muddo soo taxnaa tan sannadkii 2011, isla markaana sababay dhimasho iyo dhaawac.
Guddoomiye Cabdirashiid oo dhowaan kasoo laabtay socdaal uu muddo ugu maqnaa deegaankaa, ayaa waraysi uu siiiyay caawa shebekada Araweelo News Network, wuxuu kaga hadlay xaalada gobolka ee waqtigan iyo waxa iska beddelay mushilad dhinaca amniga ah oo sababtay in adeegyadii Bulshada ee deegaankaa aan waxba laga qaban, wuxuuna isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi, Gobolkuna waa Xaysimo.
“Somaliland meelaha ugu taariikhda weyn ayay ka mid tahay Taleex oo xarun u ah Gobolka Xaysimo ee Madaxweynaha Somaliland magcaabay badhtamihii 2014, 23 sanadood magac ahaan way uga jireen Magaalada Taleex maamul ahaan Maayarka iyo Guddoomiyaha , laakiin wax shaqaynaya ma hayn xiligii Gobolka la siiyay anigana, ayaa lay magcaabay, waxaan ku beegmay xili xaasaasi ah oo amnidaro iyo mashaakilaad ay ka jiraan deegaanka, sababta oo ah waa meesha lagu aasaasay Khaatumo oo xudunta u ahayd, waxaana mar walba jiray faragelin siyaasadeed oo dadka deegaankaa kaga imanaysay dhinaca maamul goboleedka Somalia ee Puntland, mushiladaa ayaa sababtay dhibaatooyinkii ka dhacay ee dilalka ahaa inay magaalada kala qaybiyaan oo ay taasi sababto in adeegyadii bulshada ee la rabay in laga hirgeliyo ay sababo dhinaca amniga ah uga baaqdaan deegaankaa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid Maxamed Axmed (Cabdirashiid Xiir)

 
Waxa uu sheegay in magaalada Taleex laba u qaybsanayd oo dhibaatooyinkaas ay noqdeen kuwo xaalada amniga ee magaalada halis geliyay, isla markaana malayshiyaad labada dhinac kala fadhiyay Magaalada hadda la kala qaaday, isagoo arrintaa ka hdlayana, wuxuu yidhi, “Xayndaabkii magaalada waa laga qaaday ciidamadii beelaha ee kala fadhiyay koonayaasha magaalada ayaa 30km laga saaray magaalada maanta 2 Jan 2015, kuwa kalana Beri iyo wixii ka danbeeya ayaa la qaadayaa, waxa kale oo jirta in Hubkii magaalada lagu sitay la xadiday, waxaana arrimahaa ku jira oo horaantoodii ku guulaystay guddida nabadayn ah oo ka kooban 13 xubnood, kuwaas oo ka baxsan dadka deegaanka ee khilaafku u dhexeeyay.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Xaysimo.

 
“Arrimahaa markii la galay labada dhinac waxa laga qabtay midkiiba 11 xubnood oo Odayaal ah, kuwaas oo kasoo jeeda dhinacyad dhibaatadu hore ugu dhexmartay Taleex, waxaana la rabaa inay labada dhinac ee Odayaasha laga xulay ka wada hadlaan wixii dhacay iyo wixii looga gudbiyo si arrinta loo soo afjaro. Xukuumad ahaan annagu door ayaanu ku leenahay, ayuu yidhi Cabdirashiid Xiir Guddoomiyaha Gobolka xaysimo ee Xaruntiisu tahay Talleex oo u waramayay Shebekadda Araweelo News Network.

 
Guddoomiye Cabdirashiid, wuxuu sheegay in hadda ay ka shaqeeyaan deegaanka Ciidan Boolis ah oo mushahar qaata, kuwaas wata gaadiidkooda, isla markaana uu hadda soo dhisay Guddiyo nabadgelyo oo maamulka gobolka kala shaqaynaya arrimaha nabadgelyada iyo horumarka, sidoo kalena uu soo magcaabay maamulkii Degmooyinka cusub ee la magcaabay. Kadib markii sida uu sheegay uu dhowaan kasoo laabtay Gobolka, wuxuuna xusay inuu arrimahaa kala tashaday dadka waxgaradka ee deegaanka.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo, wuxuu sheegay inuu si weyn uga rajo qabo in xal laga gaadho khilaafka reeraha ee siyaasadeed oo dhimasho iyo dhaawac keenay, taas oo sida uu sheegay muddo dheer dadka deegaanka iyo magaalada Taleex kala qaybisay oo gaadhsiisay inay sidii ay magaalada Muqdisho Khad cagaraan yeelato, balse guddi dhaqan oo loo saaray khilaafkaa inay dhaqan ahaan u xalinayaan qaadeen talaabooyin yididiilo leh, isagpoo xusay inay xukuumad ahaan kala shaqaynayaan xalinta arrintaa muddada soo jiitamaysay.

 
Mar uu ka hadlayay adeegyada Bulshada, wuxuu yidhi, “Waxaan ku rajaweynahay in arrintaa xal laga gaadho, illaa hadda waxa maqan adeegyadii Bulshada waxa hortaagnaa khilaafka dhinaca amaanka ee ka taagnaa deegaanka waxaana rajaynayaa in marka arrintaa lasoo afjaro adeegyadii Bulshada si weyn hawlgelayo”, ayuu yidhi Guddoomiye Cabdirashiid Xiir, wuxuuna ugu baaqay Qurba joogta iyo dadka waxgaradka ah ee u dhashay deegaanka inay ka qayb qaataan sidii mushkiladaa loo soo afjari lahaa oo ay daacad ka noqdaan.

 
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

 

 

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com