Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Khilaafka u dhexeeya dalalka Khaliijka, ayaa hadheeyay  dowladda Federaalka ee Soomaaliya kadib mawqifkii ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka, kaasoo ay ganafka ku dhifteen inta badan madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya.

Arrintan, ayaa sababtay in muran ka dhashay mawaaqifta kala duwan uu cirka ku shareero xiisada, taas oo sii murgisay xaalada, iyadoo koox ka tirsan Baarlamaanka Federaalku mooshin artintaa ku saabsan oo ka dhan ah dawladda Federaalka soo gudbiyeen.

 

Maamul goboleedka Galmudug, ayaa  noqday ka ugu saamaynta  xun  kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka dalalka khaliijka.

Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka   Xulufada Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabey ” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dowladda federaalka iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe, kaasooo ay sheegeen in ay leedahay awoodda ay go’aan kaga gaadhi lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

 

Mr. Xeef ayaa  dowladda Federaalka ku eedeeyay in ay faragalin qaawan ku hayso maamulka Galmudug, isagoo yidhi, “Waxaan reer Galmudug iyo ummadda Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada iyo dowladaha caalamka iyo UN-ka ogeysiinayaa arrinta faragelinta ah ee dowladda federaalka nagu hayso in ay tahay dhabar jab reer Galmudug ka dhan ah”.

Madaxweynaha Galmdug, ayaa  garoonka Cadaado kasoo degey waxaa loosoo dhaweeyay si weyn, waxaana lagu taageeray Banaanbaxyo waaweyn oo  go’aanka madaxweyne Xaaf  lagu taageerayay, kuwaas oo lagaga soo horjeedo moowqifka dhexdhexaadnimada ee dowladda Federaalku ka qaadatay xiisada iyo Khilaafka.

Dhinaca kale waxa  jiray shirar is daba joog ah oo ay yeelanayeen golaha wasiirada Galmudug oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxeeya hoggaanka maamulka sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa.

 

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo ah Maamul goboleedka labaad ee aan cadayn mawqifkiisa Khilaafka dalalka khaliijka, ayaa  ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsiga dalka ka jira.

Waxa uu ku baaqay in uu Kismaayo ku fidinayo gogol la’isugu keenayo madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada si loo turxaan bixiyo madmadoowga soo baxay.

Balse xiisada, ayaa hadda u gudubtay Baarlamaanka,  kadib markii xildhibaano ay mooshin ka gudbiyeen Safiirka imaaraatka carabta ee Soomaaliya u jooga, oo ay ku eedeeyeen in uu farogalinayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay waxay safiirka UAE ku eedeeyeen inuu dawladda u gacan dhaafayo arrimaha maamul goboleedyada, waxayna dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta ka dalbadeen in ay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah mudanayaasha mooshinka gudbiyay , ayaa Yidhi,”waxaan diidannahay falal aanu u aragnay in ay dastuurka ka soo horjeedaan”.
“Falalka uu ku dhaqmo safiirka Imaaraatka ee dalka ayaa ka soo horjeednaa. Ma ogin in dowladdiisu ku ogtahay iyo inkale. Waxaanu doonaynaa in xidhiidhka la hagaajiyo”, ayuu yidhi xildhibaan Zakariye.

 

Mooshinka xildhibaanada, ayaa soo baxay kadib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ay sheegeen in dowladda ay qaadato go’aan ay ku taageereyso isbeheysiga Sucuudiga ee go’doominta ku haya dalka Qadar.

”Waxaan ku wada jirnaa isku urur, sida Jaamacadda Carabtan, ururka Islaamka iyo Qaramada Midoobey, markaa waa in ay noola dhaqanto qaab dowladeed ee maaha in ay  noola dhaqmaan sida qabaa’il iska firidhsan oo aan dowlad dhexe lahayn”, ayuu yidhi xildhibaan Zakariye.

Mooshinka, ayaa lagu sheegay in Dawladda Imaaraadku Soomaaliya ku leedahay Saldhigyo aan la ogeyn iyo ciidamo ay iska qortaan oo aan laga war qabin waxa ay qabtaan, Isla markaana ay dadka shacabka ah xidhiidho hoose la samaysay dawladda Imaaraadku.

Hase yeeshee Mooshinka kuma saabsana Imaaraatka oo kaliya, ee sidoo kale waxa uu xusayaa dowladdo kale oo la sheegay in ay iyaguna farogalin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna mooshinka ku baaqayaa in loola dhaqmo si la mid ah Imaaraatka, balse laguma kuwa ay yihiin dawladahaasi.

“Mudane Guddoomiye iyo xildhibaanada sharafta leh, wax badan ayaan u dulqaadanay meel-ka dhacyada iyo gabood-falada dadka iyo dawladnimada Soomaaliyeed ay ku hayaan dawladaha shisheeyuhu, ayadoo maantay ay na hortaallo fursad aan wax uga qaban karno, waajibaadkeena qaran aan ku gudan karno, Alle iyo umadda hortooda”.ayaa lagu yidhi gebagebada qoraalka mooshinka.