madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha SomaliaMogadishu(ANN)Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxaysa Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Raysal wasaaraha Cabdiweli Sheekh, kaas oo markii labaad shalay suurta geliwaayay kadib markii mudanaaysha taageersan raysal wasaaraha buuq iyo sawaxan ka abuureen fadhigaa sidaan lagu xidhay.
Wararkii u danbeeyay ee la xidhiidhay khilaafka Siyaasadeed ee Madaxweynaha iyo raysal wasaraaha oo xildhibaanada Baarlamaanku ku kala qaybsan yihiin, waxayna labada dhinac mid walba dhankiisa u qabtay kulan aan la ogayn oo waxyaabaha lagaga hadlay iyo qorshaha u qarsoon ee ay doonayaan in ay ku meelmariyaan siyaasadooda.
Kulamadaa oo labada dhinac ku kala qabteen Huteelo kala duwan iyo xarunta madaxtooyada Somalia ee Villa Somalia, warar la xidhiidha kulamadaa oo laga soo xigtay ila wareedyo ku dhow dhinacyada ayaa sheegaya in Xildhibaanada Madaxweynaha taageersan ee doonaya in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda, ay degeen qorshe iyo istiraatiijiyad ay doonayaan in lagu soo afjaro arrintaa, balse marka hore Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan Jawaari oo xildhibaanada mooshinka raysal wasaara wataa ku eedaynayaan inuu la safanyahay dhinaca kale go’aan laga gaadho, isla markaana maalmaha soo socda la meem mariyo mooshinkaa.
Hase yeeshee kulamada Xildhibaanada taageersan raysal wasaaraha oo qaar ka mid ah Huteelada Magaalada Muqdisho lagu qabtay, ayaa lagaga arinsaday sidii loo joojin lahaa mooshinkaa oo sida ay xoggaha laga soo xigtay ila wareedyada la xidhiidha kulamadaa sheegayaan, waxay mudanayaashu go’aansadeen in aan mooshinkaa la dhaafin oo wada kasta oo lagu joojin karo loo maro.
Dhinaca kale waxa sii kordhay loolanka u dhexeeya labada dhinac oo mid walba doonayo inuu qorshihiisa siyaasadeed meel mariyo, waxaana muuqata in dedaaladii hore u guuldaraystay ee la doonayay in lagu xaliyo khilaafkaa, kuwaas oo ay wadeen qaar ka mid ah Dublamaasiyiinta dalalka siyaasada Somalia gamcaha kula jira, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku gacan saydhay, isagoo ku dooday in Baarlamaanka loo daayo arrintaa.
Mana jiraan cadaymo ilaa hadda muujinaya halka ay isugu biyoshubanayaan loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal Waasaraha oo dalalka siyaasad Somalia safka hore kaga jiraa la kala safan yihiin.

 

Araweelo News NetworkHase yeeshee Garabka kasoo horjeeda Mooshinka, ayaa kulamadoodii u danbeeyay kasoo saaray Baaq ka kooban Afar qodob oo ay kaga hadlayaan xaalada khilaafka Xildhibaan Bishaar Ugaas Ibraahim oo xubnaha kulanka yeeshay ayaa saxaafadda u akhriyay qoraalka ay soo saareen, wuxuuna baaqaa ku tilmaamay mid ay soo saareen kaddib markii ay yeesheen kulan ay ku lafa-gurayeen xaaladda ay Somaliya ku sugan tahay iyo sida loo badbaadin karo .

Qodobbada bayaanka ay soo saareen xildhibaannadan ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. In xaaladda dalka ee dhinaca siyaasaddu ay tahay mid cakiran, taasna ay sabab u tahay mooshinka sharci-darrada ah ee xukuumadda laga keenay.

2. In xukuumadda hawshii loo idmaday ay dardar-galiso, lagana daayo faro-gelinta lagu hayo.

3. Baarlamaanka waxa horyaalla kal-fadhigga shanaad shaqo culus oo ah in la meel-mariyo hindise sharciyeedyo, lana dhiso guddiga madaxa banaan ee lagu xaqiijin lahaa hiigsiga 2016-ka, taas oo lagu gaadhi-karo wada-shaqayn iyo is-faham dhex-mara xukuumadda iyo baarlamaanka.

4. Ugu dambeyn, halku-dhiggeenu waa badbaadinta Qaranka, ilaalinta dastuurka KMG ah iyo himillada ummadda xaqiijintooda.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com