London(ANN)-Khuburada Sayniska ee Britain, ayaa soo bandhigay dawo ay sheegeen in ay si weyn ula tacaalay Fayriska COVID-19, ee sida weyn Aduunka ugu faafay, isla markaana asiibay  8,183,853 qof, kaas oo galaaftay nolosha in ka badan 441, 180 qof.

Warbixin lagu daabacay bogga Internerka ee BBC News online, ayaa lagu sheegay in dawadaa oo  qiimaheedu jaban yahay, isla markaana laga heli karo caalamka oo dhann, ayaa la sheegay inay gacan ka geysan karto badbaadinta bukaannada qaba xannuunka Coronavirus.

Khuburada Caafimaadka ee Britain, ayaa sheegay in dawada  oo magaceedu yahay Dexamethasone xaddiga laga qaadanayo uu yar yahay, waxayna ku tilamameen inay tahay guul aad u weyn oo laga gaadhay dagaalka lagula jiro fayriska dilaaga ah ee COVID-19, sida ay sheegeen khubarada caafimaadka ee  dalka Britain.

Helitaanka dawadan, ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay tijaabadii ugu weynayd ee caalamka looga sameeyay dawooyinka horay u jiray, si loo arko inay wax ka qabanayaan fayraska corona.

Waxay seynisyahannada caafimaadka sheegeen inay si buuxda u caawin karto afar meelood saddex meelood oo ka mid ah bukaannada xaaladahooda laga quustay ee ku neefsanaya qalabka loo yaqaanno ventilators-ka.

Sidoo kale, waxay sheegeen in ay cuddurka ka dili karto inta badan dadka uu ugu dhacay, waxa kale oo ay khuburadu sheegeen in haddii dawadan la isticmaali lahaa markii ugu horreysay ee uu fayriska gaadhay dalka Ingiriiska ay wax badan ka tari lahayd dagaalka lagula jiro xannuunka.

Dawada Dexamethasone, ayaa la sheegay in ay dalalka saboolka ah ee dunida ee Covid-19,  uu aad u saameeyay ay u noqon doonto faa’iidada ugu weyn, maadaama uu kharashkeedu aad u yaryahay.

Khuburada ayaa sidoo kale sheegay qiyaastii 19 ka mid ah 20-kii bukaan ee uu ku dhaco fayriska COVID-19,  ka caafimaadaan iyagoo aan la dhigin Cusbitaal, isla markaana kuwa la dhigaa badankoodu ay kasoo kabtaan cuddurka, balse qaarkood ayaa laga yaabaa inay u baahdaan in lagu xidho qalabka neefsashada ka caawiya, kuwaas oo halis ugu jira in ay geeriyoodaan, balse waxa la rumaysanyahay in ay dawada Dexamethasone si fiican u caawin karto bukaanada, sida lagu sheegay warbinta.

Dexamethasone oo ah dawadan, ayaa hore loogu adeegsaday xanuunno kale oo waxyeello u geysta jidhka Aadamaha, waxayna u muuqataa mid joojin karta dhaawaca soo gaadha jidhka gudihiisa, marka ay si xad dhaaf ah falcelin u sameeyaan unugyada difaaca qofka ee ka hortagaya saameynta xannuunka Coronavirus, kuwaasoo ugu dambayn shaqadooda jahwareerka ah ku sababi kara dhimasho.

Tijaabada lagu sameynayay dawadan, oo ay hor kacayeen koox khubaro ah oo ka socota jaamacadda Oxford, ayaa lagu sameeyay ku dhawaad 2,000 oo bukaanno ah, kuwaas oo la siiyay dawada dexamethasone, waxaana la barbar dhigayay in ka badan 4,000 oo bukaan oo aan la siinin dawada.

Bukaannada lagu xidhay qalabka neefsashada caawiya ee ventilators-ka waxay ka caawisay inay khatarta dhimashada ka yareyso 40%. Dadka qalabka neefta Oxygen-ta lagu caawiyana waxay khatarta dhimashada ka yaaysay 25% ilaa 20%. Sida lagu xisay warbinta.

Professor Peter Horby, oo ah madaxa kooxda baadhitaanka wadday, ayaa yidhi: “Tani waa dawada keliya ee ilaa hadda la xaqiijiyay inay yarayn karto heerka dhimashada – si baaxad leh ayayna hoos ugu dhigaysaa, waana guul weyn oo la gaadhay.”

Dawada xilligan la sheegay in ay wax ka taray xannuunka Coronavirus ee Dexamethasone, waxaa sanadihii 1960-meeyadii loo isticmaali jiray cudduro ay ka mid yihiin neef-qabatinka, iyadoo aad loo amaanay waxtarkeeda.

,