Kismaayo(ANN)Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Kismaayo Col. Nuur Yuusuf Gaas, ayaa lagu qaaday weerar hubaysan, isagoo ku sugnaa waqtigaa Huteelka uu deganyahay ee magaalada Kismaayo.
Weerarka oo ay qaadeen dablay Hubaysan, ayaa sababay dhaawac soo gaadhay Col. Nuur Gaas oo ku magac dheer Raadaal, waxaana dhaawaciisa loola cararay Cusbataalka AMISOM ee magaalada Kismaayo, iyadoo xaaladiisa Caafimaad mid culus tahay.kadib xabaddo baddan oo ku dhacay.

sidoo kale Laba qof oo kale, ayaa dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkaa oo ahaa mid tacshiirado rasaas ah loo adeegsaday, iyadoo dablay hubaysan oo gaadhi wadata soo weerartay Huteelka uu degaan Col. Raadaal.
Dablayda weerarka fulisay, ayaa goobta ka cararay, iyadoo aan la aqoonsan, isla markaana ma jirto cid sheegatay weerarkaa, balse Al-shabaab, ayaa weerarkaa ku tilmaantay mid uu ka danbeeyay Axmed Madoobe.
Col.Raadaal, ayaa weerar sidan oo kale ah lagu qaaday sanadkii hore, balse weerarkaa oo dhaawac xumi kasoo gaadhay, wuxuu kasoo kacay muddo kadib.
Araweelo News Network

Somaliland Office
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com