Araweelo News Network
usdarone

Kismaayo(ANN)Sarkaal sare iyo dagaalyahanno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab, ayaa lagu dilay duqayn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ka fuliyeen degaannada Gobolka Jubbadda Hoose ee koonfurta Soomaaliya gelinkii dambe ee maalintii Axadda.
Weerar diyaarado dagaal oo loo malaynayo in Maraykanku leeyahay ka geysteen degaanka Buri oo qiyaastii 90km u jira magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay in lagu khaarajiyey sarkaal sare la odhan jiray Bashiir Cabdi Jaamac oo ahaa madaxa xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Jubadda Hoose iyo 5 dagaalyahan oo ilaalidiisa ahaa.
Bashiir Cabdi Jaamac waxa uu dhowaan buuxiyey booskii uu banneeyey hoggaamiye lagu magacaabi jiray Dulyadeen oo Al-shabaab u qaabilsaa gobollada koonfurta Soomaaliya, kaas oo isagana lagu dilay duqeyn diyaaradeed ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo laba bilood ka hor.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah saraakiisha Al-shabaab ka soo saareen weerarka lagu khaarajiyey hoggaamiyaha iyo dagaalyahannadooda kale.