Hargeysa(ANN)-Kulan ay yeesheen Guddida doorashooyinka Somaliland ee mudadoodu dhammaadka ku dhawdahay iyo labada Xisbi ee UCID iyo Kulmiye, ayaa maanta ka qabsoomay xarunta Komishanka ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka Komishanka iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID.
Kulanka Komishanka iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID.


Kulankaa oo saxaafadu dibadda ka joogtay, ayaa lagu sheegay ujeedadiisa mid lagaga hadlayay sidii diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka soo socda nidaamkooda loo hagaajin lahaa, isla markaana tayada qalabkii hore ee loo adeegsaday diiwaangelinta loo casriyayn lahaa.

Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee WADDANI, ayaa qaadacay kulankaa sida ay sheegeen Komishanka doorashooyinka qaranka oo markii kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay.

“Kulanka waxanu isugu yeedhnay Xisbiyada, Baarlamaanka iyo Ururada Bulshada, waxayna ahayd si loo sii casriyeeyo diiwaan-gelinta oo markii hore loo adeegsaday sawirka Indhaha ee “Bu’uda indhaha” tii ayaa lasii casriyaynayaa, waana arrinta aanu warbixinteeda maanta kusoo bandhignay halkan, waqti kasta doorashadu ha dhacdee,” ayuu yidhi, Siciid Cali Muuse oo ka mid ah xubnaha Komishanka qaranka.


Sidoo kale Guddoomyaha Komishanka Cabduqaadir Iimaan, ayaa sheegay in khaladaadkii kasoo baxay diiwaan-gelintii hore ee ka yimi dhinacyada Xisbiyada, Ururada Bulshada iyo daneeyayaasha, waana arrinta aanu sidii loo casriyayn lahaa diiwaangelinta oo aanu hawsheeda wadnay maanta halkan ugu yeedhnay si aanu usoo bandhigno, Xisbiyada waanu wada casunay, waayo waxanu annagu qaranka u qaabilsanahay Doorashooyinka iyo diiwaangelinta, waanu ku casuunay saddexda Xisbi, balse Xisbiga WADDANI, ma iman waanu la hadlay, waraaqna waanu u qornay, ikhtiyaarkana iyagaa leh” ayuu yidhi, Cabduqaadir Iimaan oo ah guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.


Dhinaca masuuliyiinta labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, ayaa dhinacooda wadajir ula hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen inay aad ugu riyaaqeen waxyaabihii ay Komishanku kusoo bandhigeen kulankaa, balse xisbiga mucaaradka ugu weyn ee WADDANI, ayaan wax jawaab ah ka bixin sababta ay kulankaa u qaadaceen, walaw ay hore u sheegeen in aanay wax wada shaqayn ah la yeelanayn komishanka qaranka oo ay marar baddan soo jeediyeen in la bedelo, iyagoo ku eedeeyay in aanay ku kalsoonayn, waxaana doodaa WADDANI, ku diiday labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID, oo keligood maanta ka qaybgalay kulanka ay komishanku sheegeen in ay kusoo bandhigayeen casriyaynta nidaamkii hore ee diiwaangelinta.