Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa farriin baaq ah u diray shacabka ku dhaqan deegaannada hoos yimaada labada gobol ee Sanaag iyo Sool.
Guddiga Doorashooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda caasimadda Hargeysa kadib markii ay soo gunnaanadeen hawshii qaadashada kaadhadhka codbixiyayaasha doorashooyinka ee gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer, ayaa shaaciyey in horraanta bishan August ay si rasmi ah uga bilaabayaan bixinta kaadhadhka dadkii hore iskaga diiwaangeliyey labada Gobol ee Sanaag iyo Sool oo ah gobolladii ugu dambeeyey ee laga fuliyo hawlgalkan ka hor inta aan loo dareerin doorashada madaxtinimada dalka ee u qorshaysan in la qabto 13-ka bisha November 2017.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa si gaar ah farriin ugu diray bulshada ku sugan gobollada Sanaag iyo Sool inay si nabadgalyo ah u qaataan kaadhadhka codbixinta.
Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Laba gobol baa dhahay kaadh qaybinta oo ah Sanaag iyo Sool oo iyagana shaqada aannu daah-furi doono maalinta Khamiista ee 10-ka bisha August, iyadoo Gobolka Sool kaadhka laga bixin doono 177 goobood iyo Gobolka Sanaag oo laga qaadan doono 173 goobood, markaa waxaannu ku boorrinaynaa dadweynaha ku dhaqan labadaa gobol in 12-ka bisha oo maalin Sabti ah uu qof kastaa kaadhkiisii u doonto halkii uu iska diiwaangeliyey ama halkii uu isku qoray inuu ka codayn doono maalinta doorashada.
Dadweynaha labadaa gobol waxaannu leenahay waad aragtaan afartii gobol ee hore si qurux badan oo wanaag iyo nabadgalyo ah oo aan qofna qof riixin ayey inoogu soo dhammaatay qaybinta kaadhadhku, idinkana waxaannu rajaynaynaa in Ilaahay inoo fududeeyo oo aad si nabadgalyo ah oo qurux badan u qaadataan.”
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu sheegay inay hawshii kaadh-qaybinta ee socotay Gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer oo soo xidhantay fiidkii maalintii Axaddii toddobaadkan ay si nabadgalyo ah oo aanay wax dhib ahi jirin ku soo gabogabowday.
Dhinaca kalena, masuuliyiin saddexda xisbi qaranka ee Somaliland u qaabilsan la shaqaynta Komishanka Doorashooyinka oo iyaguna hadallo ka jeediyey shirkaasi jaraa’id, ayaa farriin midaysan u diray dadweynaha ku nool labada gobol ee Sool iyo Sanaag oo ay kula dardaarmeen inay u diyaargaroobaan qaadashada kaadhadhka codbixinta oo aanay dayacin fursaddaasi iyo inay si nabadgalyo ah u qaataan.

Dhanka kale, saddexda xisbi qaran oo halkaas ka hadlay, ayaa aad ugu mahadnaqay Komishanka Doorashooyinka Qaranka hawsha ay hayaan iyo sida nidaamka leh ee ay u soo gabagabeeyeen hawsha afarta gobol ee Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Togdheer.