Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa Ka hadlay halka ay marayso hawsha tirinta codadk doorashadii Somaliland ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017.

“Maanta oo Khamiis ah, waxaan Bulshadda u sheegaynaa in hawsha tirinta codadku ay socoto, iyadoo meelaha qaarna kasoo dhamaatay oo aanu filayno in sanaaduuqdii Ilaa caawa Ilaa beri soo gaadhaan Xarunta guud ee Komishanka. Sidaa waxa yidhi Afhayeenka Komishanka Qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay maanta.

wuxuu sheegay in tirintii Codadka meelaha qaar soo dhammaatay, Isla markaana sanaaduuqdii lasoo raray oo ay jidka kusoo jiraan, isagoo xusay in gobolada Sanaag. Sool Iyo Saaxil ay soo dhamaatay oo jidka kusoo jiraan, gobolada Togdheerna Iyo Awdalna Ilaa caawa amma beri soo dhammaanayaan, balse gobolka Maroodi-jeex oo ballaadhan ay weli hawshiisu socoto.

Halkan Ka Daawo Komishanka oo Ka hadlaya arrimahaa Iyo kuwo kale .