dhawaaqa komishankaslndHargeysa(ANN)Kumishinka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey xilliga ay bilaabi doonaan diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo mudada ay ku dhamaystirayaan hawlaha qabyada ka ah sidii loo qaban lahaa doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo ay bilaabayaan dabayaaqada July 2015, kadib markii dib u dhac ku yimi.
Gudiga doorashada oo ay weheliyeen wakiilo ka socda sadeexda xisbi qaran ee somaliland UCID, Kulmiye iyo Waddani, ayaa sidoo kale sheegay inay muddo sagaal bilood ah oo ka bilaabmay maanta 9 March 2015, ku dhamaystirayaan hawlaha diiwaangelinta, si muddadaa wixii ka danbeeya doorashooyinku u qabsoomaan.

Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Saciid Cali Muuse, ayaa ku dhawaqay go’aamada guddiga, wuxuu meesha ka saaray in aanay iyaga ka hadlayn dib u dhigidda doorashada, balse ay ka hadlayaan farsamo ahaan xilliga hawlaha lagama maarmaanka u ah doorashada ay dhamaystirmayaan.

Doorashada Somaliland ayaa la filayay in la qabto 26-da bisha June ee sanadkan, balse waxaa muuqata in aanay waqtigan oo gabaabsi ah suurta gal ahayn in muddadaa lagu qabto, taas oo muujinaysa in dib u dhacaas uu sababayo in muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda oo muddadii shanta sannadood ee la doortay ku eegtahay 26 Jun 2015.

Sidoo kale golaha wakiiladda oo muddo kordhin loo sameeyay tiroba laba goor ooh ore tan iyo markii la doortay Oct 2015, ayaa muddo kordhintii u danbaysay gabaabsi tahay, iyadoo uu hadda marayo ku dhowaad toban sannadood, isla markaana aanay muuqan sansaan doorasho.

Xisbiyada Mucaaradka iyo kooxda la baxday golaha wadatashiga iyo badbaadinta qaranka, ayaa marar baddan ku cel-celiyay dhawaaqyo ay ku sheegayaan in haddii ay doorashadu dib u dhacdo, marka la gaadho 26 Jun, ay samaynayaan dawlad ku meel gaadh ah oo doorashooyin dalka gaadhsiisa, balse go’aanka komishanku ku dhawaaqeen maanta ee la xidhiidha hawlaha doorashooyinka, waxa goob joog ka ahaa sadexda xisbi qaran, kuwaas oo ay isla qaateen Komishanka in farsamo ahaan aanay macquul ahayn in doorashada la qabto xilligii la filayay, wuxuuna dhawaaqa Komishanka ee Doorashooyinka Somaliland hordhac u yahay muddo kordhin aan ka yarayn laba sannadood oo u muuqata mid miiska saaraan, taas oo xukuumadda iyo labadda golle ee Baarlamaanku aanay ka qadayn, iyadoo gollaha Guurtidu yahay golaha haysta shaanbadda mudda kordhinta, kaas oo hore looga bartay inuu muddda kordhin u sameeyo xukuumaddihii soo maray Somaliland iyo golayaashii wakiiladda, isla markaana isagu isu sameeya muddo kordhin sida marar baddan dhacday. Sidaa awgeed waxa dhawaaqa dhinaca farsamo ee Komishanka doorashooyinka Somaliland daaha ka fayday muddo kordhin u muuqata mid aan ka yaran laba sannadood oo miiska saaran, taas oo la filayo in maalmaha soo socda golaha guurtidu shaaca ka qaadi doono.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews