JUBA(ANN)- Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa oggolaatay codsi Masar ay ku doonayso in ay saldhig militari ka dhisto Pagak, oo ah xarun hore oo mucaaradka ay ku xooggan yihiin oo ku taal gobolka deegaanka Maiwut ee gobolka Upper Nile.

Sidaana waxa sheegay warar laga helay saraakiil Millateriga Suudaan ah oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Juba toddobaadkan, kuwaas  oo caddeeyay in Saldhiggaa loo oggolaaday Dawladda Masar.

Sidoo kale, sarkaal sare oo millateriga ah oo arrintaa ka hadlay, ayaa  yidhi, “Saldhiga waxa degi doonna 250 askari oo Masar ah iyada oo loo diyaariyay dhammaan waxyaabaha ku saabsan qiimaynta iyo la socodka dhismaha dhaamka mega-dam”, kaas oo ay Ethiopia ka fulinayso Webiga Nilka, taas oo ay si weyn Masar uga soo horjeeddo.

 

Dowladda Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan iyo Ciidanka Difaaca Dadka Koonfurta Suudaan (SSPDF) waxay oggolaadeen inay dhul u qoondeeyaan walaalaheena Masar ee codsaday dhulkaa oo ku yaal bariga [Koonfurta Suudaan] inay ciidankoodau degaan oo gacan ka gaystaan horumarka dalka, ”ayuu si aan gaabasho lahayn u yidhi, sarkaalkaasi.

 

Sarkaal kale oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa u sheegay South Sudan News Now (SSNN) in dalka loo isticmaali doono oo keliya ujeedooyin horumarineed oo sida uu sheegay ay ku yaboohday xukuumadda Masar inay siiso qaranka ugu da’da yar adduunka ee Juba.

Sidoo kale,  Masaarida ayaa la sheegay in ay  dhulkaa u adeegsanayaan oo keliya horumarinta Suudaan, “Dhulka ay isticmaali doonaan Masriyiintu si ay u bixiyaan horrumarin ay si xun ugu baahan tahay Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan,” sida laga soo xigtay sarkaalkaa.

AKHRI: Ethiopia Oo U Yeedhay Siddeed Safiir Oo Ay Ku Jiraan Masar Iyo Suudaan Kadib Muranka Biyo-xidheenku Sii Xooggaystay

“Masar, waa Wadanka kaliya ee kuyaala qaarada Afrika ee ina taageersanaa tobankii sano ee lasoo dhaafay ilaa markii aan xornimada helnay, maantana waxay sii wadaan inay na siiyaan adeegyada ay dadku u baahan yihiin, ”ayuu yidhi, sarkaalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfurta Suudaan.

Dalalka Masar iyo Ethiopia, ayaa si weyn isugu khilaafsan Biyo-xidheenka weyn ee ay samaysay Ethiopia, waxaana bur-buray kulamo la doonayay in labada dhinac iyo kuwa kale ee isku khilaafsan isticmaalka bIyaha Niilka laysugu keeno, iyadoo muarnka ugu weyni ka taagan yahay Ethiopia iyo Masar.