araweelonews-300x168Paris(ANN)Koox hubaysan oo Islaamiyiin ah, ayaa weerar qorshaysan ku qaaday Xarun uu leeyahay Wargeys Todobaadle Magazine Faransiis ah oo lagu magcaabo Charlie Hebdo Charlie Hebdo (Charlie Weekly), kaas qoraaladiisa Mujtamaca Islaamka ka cadhaysiiya, isla markaana xaruntiisu tahay badhtamaha Caasimadda Farnsiiska ee Paris.
Dablayda oo wejiyada soo duubtay, isla markaana hubaysan ayaa galay xrunta Wargeyskaa oo qabsaday gebi ahaanba, waxayna ku khaarajiyeen 12 qof oo qaarkood ka tirsan yihiin Ciidanka Booliska, waxaana sidoo kale dhaawacmay ilaa 5 qof, iyagoo markaa ka dib ka baxsaday goobta. Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Arrimaha Guddaha Faransiiska Bernard Cazeneuve.
Ma jirto cid ilaa hadda cadayn karta halka ay ka socdeen Kooxda weerarka soo qaaday iyo tiradooda rasmiga aha, bale Wasiirka Arrimaha Guddaha Faransiiska Bernard Cazeneuve, ayaa sheegay inay kooxda weerarka fulisay ahaayeen saddex qof oo ay ka baxsadeen dhismahaa markii ay weerarka fuliyeen ka dib.
Weerarka, ayaa noqday mid si weyn ugusoo jeediyay Dalka Faransiiska indhaha rayal caamka dunida, waxaana heegan la geliyay Ciidamada dalka Faransiiska, iyadoo laga cabsi qabo in ragga weerarka fuliyay ka baxaan dalka, isla markaana waxa gebi ahaanba la joojiyay si xaalada amaanka loo sugo gaadiidka, xarumaha wargeysyadda iyo goobaha la xidhiidha Diimaha, iyadoo laga cabsi qabo in weeraro kale oo sidan oo kale ah, ama kuwo aargudasho ah ay ka dhacaan dalka Faransiiska.
Mr. Francois Hollande oo ah Madaxweynaha Faransiiska, ayaa fariin u mariyay dadka Telefishanka dawlada in weerarku yahay mid la yaab ku ah oo ay kooxdu fulisay iyagoo aad u taxadiraya, isla maraakana loo baahanyahay feejignaan dheeraad ah.
Madaxweynaha Dalka Faransiiska Mr. Francois Hollande, ayaa ku amray Ciidamada amaanka inay gacanta kusoo dhigaan dadkii weerarkaa fuliyay waqti kasta ha qaadatee si sharciga loo horgeeyo, wuxuuna ka digay inay ka gudbaan guddaha Paris oo weerarku ka dhacay.

Ragga dhismahaa weeraray, ayaa ku dhawaaqay weedho ahaa “Allaahu Akbar, waxan dilaynaa Charlie Hebdo, waxaan u hiilinaynaa Nebi Maxamed CSW.” sida laga sii daayay Telefishanka TELE, waxayna markii ay dhismaha qabsadeen u gudbeen dabaqa labaad oo ay ku shirayeen 8 suxufi oo ka mid ah qorayaasha Wargeyska iyo saraakiisha la dilay ee Booliska oo ilaalinayay amaankooda, kuwaas oo ay dhamaantood goobta ku khaarajiyeen.

Wargeys kasoo baxa Faransiiska oo soo xiganayay Qof goobta ka dhowaan ayaa  sheegay mid ka mid ah raggaasi markii uu gaadhiga ka degayay daqiiqado ka hor weerarka u sheegay inay yihiin Al-Qaeda Yemen.
Hoggaamiyaha Kooxda Islaamiyiinta Daacish ee Dawlada Islaamka ee Syria iyo Iraq ee dagaalka kula jira xukuumaddaha ka jira dhulkaa iyo reer galbeedka Sheekh Abu Bakr al-Baghdadi, ayaa todobaadkii hore Warar laga soo xigtay Bogga uu tweet ku leeyahay ku faafiyay inay weerarayaan Faransiiska oo ay gacan bir ah ku qabanayaan.
Masuuliyiinta iyo Hoggaamiyayaasha wadamada ay xulufada yihiin Faransiiska, ayaa canbaareeyay weerarkaa oo ku tilmaameen mid fulaynimo ah.

Wargeyska todobaadlaha ah ee Charlie Hebdo (Charlie Weekly), ayaa wax ka qora Hoggaamiyaaysha Diimaha iyo kuwa siyaasada, waxaana marar baddan uu daabacay sawir gamceed ka cadhaysiiyay Mujtamaca Islaamka oo si weyn looga damqaday, kaasoo uu Nebi Maxamed NNKH, ku aflagaadeeyay, iyadoo shucuubta Islaamku si weyn uga cadhoodeen.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com