Dikumintiyo CIA-da ay leedahay ayaa muujinaya in Khaalid Sheekh Maxamed 183 jeer lagu sameeyay Tacadi iyo ciqaab adag si uu denbi u qirto. “

Guantanamo Bay (ANN)-Shan nin oo lagu hayey xabsiga Guantanamo Bay oo lagu eedeeyay qorsheynta iyo caawinta weerarradii argagixiso ee 11-kii Sebtember ayaa maxkamad la horgeyn doonaa marka la gaadho sannadka 2021.

Haddii lagu xukumo gudiga milatariga, kaas oo isku keenaya qodobada madaniga iyo sharciga militariga, eedaysanayaashu waxay la kulmi karaan ciqaabta dilka.

Shanta maxbuus ee la xidhay waxaa kamid ah Khalid Shaikh Mohammed, oo ah sarkaal sare oo Al Qaacida ah oo isu muujiyey inuu yahay mas’uulka weeraradii 2001 iyo shirqoolo kale oo argagixiso.

Mareykanka ayaa shanta eedeeysane ku soo oogay dambiyo dagaal oo ay ku jiraan argagixiso, afduubayaal iyo ku dhawaad inay dileen 3,000 oo qof, waxanaa dacwadoodaha loo haystay ku jira kaalintooda la sheegay in ay qorsheynayeen iyo in ay taageero dhanka saadka ah siiyeen weerarada.

Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday.

Kornayl ka tirsan Ciidamada Cirka ee Maraykanka W. Shane Cohen, ayaa sheegay in la qorsheeyay taariikhda ay bilaabanayso 11-ka Janaayo 2021-ka si loo dejiyo waqtiyada loogu talagalay si caddeyn loo soo gudbiyo. Maxkamadaynta dembiyada maxaabiista xabsigaa, ayaa muddo dheer la joojiyey kiis lagu soo rogay dacwadda ka hor.

Mohammed iyo afarta Nin ee kale,  ayaa lagu hayey saldhigga Mareykanka ee Guantanamo Bay, Cuba, laga soo bilaabo Sebtember 2006 ka dib sanado badan oo xarumo sirdoonka CIA ah lagu ciqaabay ka dib markii la qabtay.

Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay.

Raggan shanta ah, ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania. Waxayna haddii lagu helo dambiga kooxdan ay wajahayaan dil.

Khaalid Sheekh Maxamed, ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay.

Balse iskudayada ah in ninkan la maxkamadeeyo isaga iyo kooxda kaleba waxaa hadheeyay dib u dhac, kadib markii qorshe la doonayay in lagu horgeeyo maxkamad milateri sanadkii 2008, ka sheegay inuu doonayo inuu qirto dambiga uuna soo dhaweynayo inuu shahiid noqdo.

2009 maamulkii Obama oo ballanqaaday inuu xidhayo xabsiga Guantánamo, isla markaana maxkamadaynta u wareejiyo magaalada New York, hasayeeshee go’aankaas ayuu dib uga laabtay 2011,  kaddib markii Kongareesku uu arrintaasi ka soo horjeestay.

Shantan Nin, ayaa waxa ugu dambayntii eedo lagu soo oogay bishii Juun 2011, eedahaas oo la mid ah kuwii lagu soo oogay waqtigii maamulkii Madaxweyne George W Bush.

Pentagon-ka Mareykanka, ayaa hore u sheegay in Khaalid Sheekh Maxamed uu qirtay in “min bilow ilaa dhammaad” uu mas’uul ka ahaa weerraradii 9/11.

Dacwad-oogayaasha Mareykanka ayaa ninkaas ku eedeeyay inuu ku lug lahaa arrimo argagixiso.

Eedahaasi waxaa ka mid ah in 2002 uu bambooyin la dhacay goob habeenkii lagu caweeyo oo ku taal magaalada Bali ee dalka Indonesia; weerraradii bambooyinka loo adeegsay ee 1993, lagu qaaday Xaruntii Ganacsiga Adduunka; dilka weriye Ameerikaan ah oo lagu magacaabi jiray Daniel Pearl iyo iskuday dhicisoobay ee 2001, kaas sida ay sheegeen la doonayay in lagu qarxiyo diyaarad iyadoo la adeegsanayo bam kabo lagu farsameeyay.

Qareennada kooxdaasi, ayaa isku dayay inay laalaan in la isticmaalo markhaati kac ay eedaysanayaashu FBI-da u sheegeen 2006.

Waxayna ku doodayaan in qirashada dambiyada aan maxkamad lagu isticmaali karin sababtoo ah waxa ay ku tilmaameen inay ku yimaadeen baadhitaan adag iyo tacadi oo raggaa lagu sameeyay intii ay xidhnaayeen.

 Khaalid Sheekh Maxamed          Image Getty
Khaalid Sheekh Maxamed Image Getty

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxa uu ku andacooday in si joogta ah loo jidh dilay intii lagu hayay xabsiga Cuba.

Dikumintiyo CIA-da ay leedahay ayaa muujinaya in ninkaasi 183 jeer lagu bartilmaameedsaday habka quusinta, ee loo yaqaan biyo ku qarqinta si uu denbi u qirto.

Ragga kale ee afarta ah oo kala ah, – Walid bin Attash, Ramzi bin al-Shibh, Ammar al-Baluchi iyo Mustafa al-Hawsawi – ayaa sidoo kale waxa ay CIA-da su’aalo ku waydiiyeen xabsi ku yaal dibadaha oo loo yaqaan “black sites,” ka hor inta aan lagu wareejin milateriga Mareykanka.