Araweelo News Network

Boosaaso(ANN)-Kooxda Daacish ee ka hawlaga Buuralayda Galgala ee duleedka Boosaaso, ayaa galaalafay fadhiisin ay Ciidamadda Badda ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku lahaayeen duleedka Magaalada Boosaaso.

Kooxda Daacish oo hore uga tirsanaa Ururka Al-shabaab ee dagaalkaa kula Jira dawladda Soomaaliya Iyo Ciidamadda AMISOM, ayaa Sannadii lasoo dhaafay u wareegay Ururka Daacish, ayaa xalay xili danbe miray xeradaa, waxayna gebi ahaanba la wareegeen xeradaa oo ay deganaayeen Ciidanka Saracen, waxayna gubeen gaadiidkii yaalay. Iyagoo qaatay hub wixii ay haysteen kadib markii ay Askartii noqotay wax dhintay iyo wax dhaawacmay, Isla markaana wararka ka imanaya deegaanka, ayaa sheegaya inay kaxaysteen tobaneeyo ka mid ahaa Askarta oo ku hadhay xerada, kuwaas oo nolol lagu qabtay.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa ka hadlay weerrarkaa, Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf ayaa weerarka qirtay, wuxuna ku and avoids in Somaliland ku lug lahayd weerarka.

.

Hase yeeshee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa beeniyay eedaha maamul giboleedka Puntland, wuxuuna ku tilmaamay eedahaa kuwo aan waxba ka jirin oo aanay Puntland ka korin, isagoo sheegay in Punland eedaha noocan ah Mashaariic kaga doonato beesha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, wuxuu sheegay in Somaliland nabadgelyo kula dhaqanto jaarkeeda, wuxuuna tusaale usoo qaatay Dalalka ay Somaliland jaarka yihiin sida Djibouti iyo Ethiopia.

 

Kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanka Buuralayda Galgala oo hore u sheegay in ay ku biireen Ururka Daacish, ayaa marar badan weeraro ku qaaday gudaha magaalooyinka Puntland, waxayna Sannadkii hore weerar sidan oo kale ah oo ay ku dhinteen Ilaa 100 ka mid ah Askarta Puntland ku qaadeen Xero u dhowayd deegaankaa.