Araweelo News Network


Washington (ANN)- Ururka la magac-baxay dawladda Islaamka ee ISIS ee ka dagaallamada qaar ka mid ah dalalka Carabta sida Ciraaq iyo Suuriya, ayaa soo saaray liis ay dil ku xukumeen oo uu ku jiro Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.
Koox jabsatada Internetka oo xidhiidh la leh ururka ISIS, lana baxday Midowga Dagaalka kombuyuutarrada Khaliifada, ayaa sii daayey muuqaal liiska dad ka badan 8 kun oo muwaadiniin Maraykan ah oo ay doonayaan inay dilaan, kuwaas oo ka mid yahay Madaxweynaha u taliya Maraykanka ee Trump.
Muuqaalkan hanjabaadda ah oo lagu baahiyey Internetka oo ciwaan looga dhigay ‘dil iyaga meel kastoo aad ka hesho,’ waxa ku jira magacyada iyo ciwaannada meelaha laga heli karo dad tiradoodu tahay 8,786 qof (siddeed kun, toddoba boqol iyo lix iyo siddeetan) oo dhammaantood ah muwaadiniin Maraykan ah.
“Waxaannu idiin haynaa farriin ku socota dadka Maraykanka iyo halka u muhiimsan Madaxweynihiina Trump, waxaad ogaataan in aannu wadno dagaal idinka dhan ah, waxaad ogaataan in dagaalladiina rogaa-celiska ahi ay naga dhigaan xoog oo keliya. Kooxda Midowgu waxay bilaabaysaa tallaabo cusub oo ah dagaalkan idinka dhanka ah, markaa na filo dhawaan Insha Allaah,” ayey kooxdani ku yidhaahdeen farriintooda.
Farriintani maaha hanjabaaddii u horreysay ee kooxdani si cad u soo saarto, balse bishii April ee sannadkii 2016 waxay soo saareen liis ay ku jireen 43 qof oo Maraykan ah oo ka kala tirsan Waaxyaha Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Difaaca, Tamarta iyo Dhaqaalaha dawladda Maraykanka oo ay dil ugu hanjabeen, inkastoo ay waqtigaa baahiyeen magacyada iyo lambarada telefoonnadooda, hase ahaatee waxa liiskan cusub uu dheeryahay dhammaan ciwaannada laga heli karo 8,786 qof ee ay u hanjabeen. Sidoo kale, isla bishii May ee sannadkaa hore waxay sii daayeen liis kale oo ay lagu magacaabay 3,600 qof oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada New York iyo 1,543 kale oo degan Gobolka Texas ee Maraykanka oo ay ugu hanjabeen inay bartilmaameedsanayaa.