Baarlamaanka Somalia

Baarlamaanka Somalia Photo file Araweelonews.com

Mogadishu(ANN)Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa codka kalsoonida u qaaday Xukuumadda Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh Xasan. Kadib markii muran iyo khilaaf muddooyinkan u dhexeeyay Madaxweynaha uu sababay in mooshin ka dhan ah loo gudbiyay Baarlamanka, kaas oo suurta geli waayay laba fadhi oo ay yeesheen Bishii lasoo dhaafay Mudanayashu, balse ay ku guulaysteen ugu danbayntii maanta in codka kalsoonada loo qaado. Kadibna daaqada laga saaro.

Kulnka Baarlamaanka Soomaliya oo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho, waxa shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa furay fadhiga, wuxuuna ku dhawaaqay kadib markii la hubiyay Xildhibanaada magacyadooda in Kooramku buuxo oo ay fadhiyaan madasha 211 mudane, kuwaas oo ka mid ah 270 xubnood oo uu ka koobanyahay, balse wax yar ka dib waxay tirada Xildhibaannada gaadhay 235 mudane.

Gudddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa markaa ka dib ku dhawaaqay in codka loo qaado Xukuumadda Raysal Wasaare Cabdiweli, wuxuuna cod bixinta ka dib ku dhawaaqay natiijada codeynta oo uu sheegay inay 153 mudane ogolaatay kalsooni kala noqoshada xukuumadda Raysal wasaare Cabdiweli, waxaana diidmo qayaxan kala horyimi mooshinka xilka qaadista 80 mudane oo ka mid ahaa xildhibaanada madasha fadhiyay, halka 2 mudane oo keliya ay ka aamustay. Sidaana waxay Baarlamaanku ku meel mariyeen mooshinka muddooyinkan Baarlamaanku u maara waayay ee la doonayay in xilka lagaga xayuubiyo Raysal wasaare Cabdiweli oo ay iska laalaadeen Madaxweyne Xasan Sheekh.

Guddoonka Baarlamaanka, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu si deg deg ah usoo magcaabo raysal Wasaare soo dhisa xukuumad cusub.

Tallaabada xilka lagaga xayuubiyay Raysal Wasaare cabdiweli, ayaa u muuqata mid ay Kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh ee Daamul-jadiid ugu awood sheegteen oo ku muujinayaan in ay haystaan Baarlamaanka. Sidaa awgeed wixii khilaafa siyaasadooda ay marinayaan wadada uu maray Raysal wasaare Cabdiweli oo Madaxweyne Xasan Sheekh dhegaha ka furaystay dhawaaqyadii Beesha caalamka ee la doonayay in lagu badbaadiyo raysal wasaaraha, balse uu si badheedh ah ugu sheegay in aany aqbalayn inuu xafiiska sii joogo Cabdiweli oo uu ku tilmaamay nin aanay wadashaqayn Karin.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com