Araweelo News Network

 

MIdig Xasan Guure Jaamac iyo Prof. Cabdisalaan Yaasiin (Photo File by Araweelo News Network)

Hargeysa (ANN)- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii midho-dhal buuxa looga gaadhi lahaa wadahadalka mar kale u furmaya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Somaliland oo warraysi siiyey telefiishanka SBC xalay, waxa uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya ay dan ugu jirto inay wadahadalka uga soo baxdo natiijo labada dhinacba u cuntamaysa.
“Waxa Somaliland iyo Soomaaliya u dan ah inay mar keliya wadahadalka uga soo baxdo wax labadoodaba u cuntama oo midho-dhal ah, oo aanay wuxu wax jiitama u noqon, sida wadahadalka Falastiin iyo Israa’iil oo kale ee dhawr iyo labaatanka sanno iska socda, markaa looma baahna wadahadallo iska socda ee waxa loo baahan yahay wadahadal waxtar u noqon kara Somaliland,” ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.

Waxaannu intaas ku daray; “Aqoonsiga Somaliland waxa uu waxtar u noqon karaa ama labadoodu noqdaan laba waddan oo Soomaali ah oo jira, sida kuwii hore ee shanta Soomaaliyeed doonayey uu mid walbaaba u yahay dal gaar ah, Maamulka Soomaalida/Itoobiya, Jabuuti iyo Kenya maamulkeedu uu mid walba maamul gooniya u yahay, inay iyaga oo Soomaaliya oo mid waliba kayaankeed ah inay wada shaqeeyaan, wax wada qabsadaan, iyaga cid isku dhaantana ma jirto.”

Waxa kaloo uu sheegay in Somaliland iyo Soomaaliya oo noqda laba dal oo kala madaxbannaan ay xallin karaan dhibaatooyinka haatan ka taagan degaannada Soomaaliya, waxaannu yidhi;“Markaa dunida kale oo dhan iyaga ayaa isku dhaama, xaataa mashaakilkan haysta (Soomaaliya) iyaga (Somaliland iyo Soomaaliya) ayuun baa xallili kara oo gudahooda maareyn kara, walaa boqollaal kun oo Afrikaan ah meelo laga keeno ayaa xallin karaya mashaakilka haysta Soomaalida, walaa Faranji (ajaanib) meel laga keeno ayaa xallili kara, Soomaali uun baa xallili karaysa mashkiladdeeda. Laakiin, halka ay ka bilaabantay unuggii hore, mar haddii unuggii hore sidii la doonayey u dhismi waayey, waxay ila tahay in meel kale looga wareego.”

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa ku taliyey in Somaliland iyo Soomaaliya ku dedaalaan inay dhexdooda is aqoonsadaan si ay u noqdaan laba waddan oo Soomaaliyeed oo jaar ah.

“Somaliland iyo Soomaaliya is hor fadhiistaan uu mid weliba kayaan gaar ah inuu yahay ka kale u aqoonsado, dabadeedtana halkaa wadahadalladooda, wax wadaqabsigooda iyo waxtarkoodu uu ka bilaabmo. Laakiin, in waxyaallo yaryar oo soke lagu meeraystaa waxay ila tahay waqti lumin weeyaan,” ayuu yidhi Cabdisalaan Yaasiin.

Waxa kaloo uu sheegay in aanay hore u jirin wax ajande ah oo meel loo dhigay wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, waxaannu yidhi; “Berigii hore may jirin ajende cad oo markiiba meesha la soo dhigay, waxay ila tahay labada qoloba waxay doonayaan inay shirarka uga soo baxaan, in la isula badheedho oo aanay noqon waxyaallo laga gabbado. Somaliland waxay doonaysaa inay shirarka uga soo baxdo in Somaliland oo madaxbannaan ah oo Jamhuuriyad madaxbannaan ah oo imminka ahaanshahaa ay tahay uu mid aan laga dhaqaaqeyn oo saabid ah yahay inuu ka soo baxo, oo ay sidaas marka ugu horreysa miiska soo dhigto, ‘Waxaas ayaannu ka doonaynaa.’
Soomaaliyana waxay doonaysaa inay tidhaahdo; ‘Somaliland, ku soo noqda midnimadii lixdankii (1960) sameysantay.’ Iyaguna inay halkaa taagan yihiin oo ah oo iyagana inay natiijadaasi uga soo baxdo.

Markaa haddii labada la isula yimaaddo, oo gor-gortan yimaaddo, waxay ila tahay aakhirka inay ka soo baxayso wax midho-dhal ah oo ay noqoto, haddii aanay suurogalayn in la isku noqdo mar dambe, oo midnimadii lixdankii dhacday ay soo noqoto asbaabo badan awgeed, inay noqoto markaa Jamhuuriyadda Somaliland inay ku adkaysato inay uga soo baxdo sida ay doonayso ee ujeeddadeedu tahay.

Markaa arrintaas waxay ila tahay ka-badheedhkaas ayey ku wanaagsan tahay in lagu bilaabo, ka-badheedhkaasna ay natiijadu ay kaga soo baxdo,” ayuu yidhi Prof. Cabdisalaan Yaasiin.