UN-Monitoring-Group-on-Somalia-and-EritreaNew York(ANN)Kooxda  Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka iyo dabagalka Somalia iyo Eritrea ee loo yaqaan, “UN Monitoring Group”, ayaa si weyn uga walaacsan heshiis dhinaca kalluumaysiga ah oo ay sheegeen in Xukuumadda Somaliland la gashay shirkad lagu magcaabo Anglo Somaliland Resources Ltd, oo loo soo gaabiyo “ALR”.
Kooxda Qaramada Midoobay, waxay sheegtay in Shirkadda Xukuumadda Somaliland heshiiska la gashay ee lagu magcaabo Anglo Somaliland Resources Ltd “ALR,” uu gadh-wadeen u yahay Sir Tony Baldry oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Baarlamaanka Ingiriiska (Uk. Parliament), kaas oo shirkadda uu shirkadda uu gadh-wadeenka ka yahay loo xidhay Kaluumaysiga Somaliland.

Warbixin dheer oo “UN Monitoring Group”, ku sheegtay arrintaa iyo arrimo kale waxay ka digtay in heshiiska loogu xidhay shirkaddaa Kaluunka ay horseedi karto khilaaf hor leh oo ka qarxa Somaliland, waxayna taas sabab uga dhigtay saamaynta ay ku yeelanayso shariikadaha maxaliga ah ee Somaliland ee kalluumaysiga ka ganacsada.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ee “UN Monitoring Group,” ayaa warbixintooda ku sheegay in ay oo la xidhiidheen Sir Tony Baldry, kaas kooxda u sheegay in Somaliland ka codsatay inuu wax ka hagaajiyo heshiisyada dhinaca kalluumaysiga, iyada oo shirkadda “ALR” ay noqon doonto shirkadda u qaabilsan Somaliland dib-u-sii-bixinta liisannada kalluumaysiga.

Sidoo kale sida lagu sheegay Warbixintaa, Tony Baldry, wuxu sheegay kadib markii uu Somaliland la galay heshiiskaa kalluumaysiga inuu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada, isla markaana uu ka codsaday in uu Somaliland u noqdo Danjire dhinaca ganacisga ah, ama waxa af-ingiriisiga loogu yeedho, “Business Ambassador”.ayaa lagu yidhi Warbixintaa oo sidoo kale lagu faaqiday kaluumaysiga sharci-darrada ah oo kor u kacay guud ahaan dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray.

UN Monitoring Group,” oo sanad walba soo saara warbixin sannadeedkooda ay kaga hadlayaan xaalad arrima amniga iyo arrimaha muhiimka ah ee dhulkii Soomaaliya la isku odhan jiray iyo dalka Eretria, waxay u gudbiyaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay wakiil uga yihiin Somalia iyo Eretria, waxayna Warbixintan ahayd mid maalmihii ugu dambeeyey laga sugayey oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka 19 Oct, 2015, taas oo ka koobnayd 322 bog.isla markaana ah Warbixinta rasmiga ah ee Golaha Amaanku kaga go’aan qaataan arrimaha dhinaca amaanka iyo waxyaabaha la xidhiidha meelaha ay khusayso.
Kooxda “UN Monitoring Group,” waxa kale oo ay warbixinta kooxdu kusoo qaadatay dhacdooyinka dhinaca Amaanka ee dhulka oo ay sheegeen in Somalialnd uu kor u kacay muranka la xidhiidha dhulka, waxyana warbixintaa ku xuseen, in 45 dhacdo oo la xidhiidha muran dhuleed ay ka dhaceen gudaha Somaliland intii u dhaxaysay August iyo September 2015, taas oo ah labadii bilood ee u danbeeyay.

Waxayna warbixintaa ku sheegeen in muranka dhulka uu kor u qaaday sida ay warbixintu xustay qiimaha dhulka oo kor u kacay Somaliland iyo xaraashka ay sheegeen inuu yahay mid sharci-darrado ah oo lagula kaco dhulkii iyo Hantidii ma-guurtada ahayd ee ummadda u dhaxaysay oo sare u kacay, waxayna dhamaan arrimahaa ku tilmaameen kuwo khatartooda leh.
Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu soo qaaday dhibaatooyinka Somalia ee dhinaca amaanka iyo Sidoo kale maamul goboleedka Somalia ee Puntland, waxayna werwer ka muujisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dib u bilaabaysa wada-xaajood la xidhiidha goobo shidaal oo ku yaal Somaliland iyo Puntland, kuwaas oo ay kala xaajoonayso shirkadda ConocoPhillips.

Waxayna ku xusatay warbixintaa in goobaha shidaalka ee laga wada-xaajoonayo ay mid yihiin, kuwo ku yaalla Sool iyo Sanaag, kuwaas oo ay warbixintu sheegtay in ay ku muransan yihiin Somaliland, Puntland iyo koox la baxday Khaatumo. Warbixintu waxa ay tibaaxday in wada-xaajoodkan cusubi uu horseedi karo khilaaf hor leh oo ka holca deegaannada ay ku yaallaan goobahan oo ah kuwo la sahamiyey wixii ka horreeyey 1991-kii.

Sidoo kale waxa lagaga hadlay warbixintaa xaalada xuquuqda Aadamaha iyo Caruurta yar yar ee da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 12 jir la ciidamaynayo si ay u taageeraan ciidamada Somaliland ee ku sugan Sool iyo Sanaag aanay ahayn wax la aqbali karo. Iyadoo warbixinta lagu sheegay in Carruurta oo ciidan laga dhigaa ay tahay dembi, marka loo eego sharciga Qaramada Midoobay iyo qawaaniinta Caalamiga ah ee heshiisyadii Geneva Convention.

Click here full report:

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews