Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa daabacay in dagaalyahanadii sabtii weerarka ku qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho ay wateen ID-kaadhada Hay’adda NISA Soomaliya, Isla markaana ay ku lebisnaayeen dharkooda,sidoo kalena ay siteen kaadhadhka  ay ku qornaayeen Magacyada,Sawirrada iyo xogta dadkaas.

Ahmed Yarre oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida Soomaliya ayaa wargayska The Guardian u sheegay in ragga weerarka ku galay Hoteelka ay si nabadgalyo ah kusoo mareen dhamaan goobaha ay ku sugnaayeen ciidamada, islamarkaana aanay lasoo kulmin wax caqabad ah, madaama ay soo bandhigeen ID-kaadho ay wateen oo muujinaya in ay ka tirsanyihiin Hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

“Markuu Askarigu ku Tuso ID uu ku qoran Magaciisa , sawirkii iyo halka uu ka Tirsan Yahay, ma haysatid fursad aad kaga hor istaagtid in aad u diido goobaha uu tagayo”, ayuu yidhi Ahmed Yarre oo la sheegay in uu ka tirsan Yahay Saraakiisha Hay’adda Nabad Sugida oo la hadlay wargeyska The Guardian.

Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Naasa-hablood 2 ee Magaaladda Muqdisho waxaa ku dhintay 30-qof in ka badan 50 kalena  way ku dhaawacmeen waxaana weerarkaa sheegtay dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale Kulan ay shalay yeesheen Golaha wasiiradda Xukuumadda federaalka Soomaliya, ayaa xilalkii loogu qaaday Taliyayaashii Booliska iyo nada Sugidda Soomaliya, Jeneraal Saacid, iyo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).