Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashadii Madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017, ayaa shaaciyay caqabadihii iyo horumarkii ay ku arkeen 350 goobood oo codbixineed oo ay booqdeen maalintii ay socotay codbixinta doorashadu.

War-murtiyeed ay wadajir uga soo saareen maanta, waxay  ku caddeeyeen in doorashadu u dhacday si nabadgelyo ah. War-murtiyeedkaasi oo dhammaystiran ayaa u dhignaa sidan:- “Iyadoo laga duulayo doorashada saddexaad ee madaxtooyada oo dhacday 13-ka November 2017-ka, waxa Hargaysa si rasmi ah u soo wada gaadhay 60 xubnood oo ah goob joogayaasha caalamiga ah oo ay maalgelisay dawladda Britain, ayaa  ka kala yimi 27 Dal oo dunida ah.

Warbixinta hor-dhaca ah  oo ay u gudbinayaan guddida doorashadda Somaliland

Dr. Michael Walls oo ka tirsan qaybta horumarinta ee jaamacadda UCL, kana mid ah Somaliland Focus waxa uu yidhi “Maalintii doorashadda, waxa aanu aad ugu faraxsanahay in aanu u soo taagnayn doorasho guud ahaan koobsatay habkii loo marayay doorashooyinka. Annagoo ogsoon in ay jiraan walaacyo aan la yaraysan Karin, haddana kuwaasi ma aha qaar wax u dhimaya geeddi socodkii guud ee doorashadda, isla markaana waxaannu Somaliland ugu hambalyaynaynaa guud ahaan habka nabadgelyadda ah ee ay doorashadu u dhacday, waa tallaabo hore loogu qaaday dhanka kacaanka doorashooyinka.”

Maalintii codaynta, goob joogeyaashu waxay ka markhaati ahaayeen nidaamkii furitaanka, codaynta iyo xidhitaanka cel celis ahaan 350 goobood dhammaan lixda gobol ee Somaliland, sidoo kalena habkii tirinta codadka ayay iyadana arkeen.

Goob joogeyaashu waxay hoosta ka xarriiqeen in guud ahaan goobaha codbixintu ay furmeen, isla markaana xidhmeen wakhtigii loogu talagalay, guud ahaana waxay ku dhacday xaalad deggan, codayn si nabadgelyo ah u dhacday iyadoo aanay jirin wax la sheego oo rebshad ama cabsi gelin ah oo la arkay.

Dadka codbixiyeyaasha ahi sida badan waxay u codaynayeen iyada oo wax carqalad ahi aanay ka hor imanayn. Goob joogeyaasha gudaha iyo wakiillada xisbiyadu way joogeen waxa aanay si habsami leh u wateen hawshooda, iyadoo wax carqalad ah aanay la kulmayn inta badan goobaha codbixinta ee la booqday. Inkastoo aanu ognahay in ay jireen in mararka qaar ay dhacday in goobjoogeyaal loo diiday in ay galaan goobo codbixineed ama lagu amray in ay ka baxaan.

Waxa aanu sidoo kale la soconnaa tiro arrimo kale oo dhawr ah oo ay ka mid tahay sheegashooyin in dad da’doodu yar tahay ay codeeyeen, in si nidaamsan sirtii codaynta laga saaray marka la eego dadka u baahnaa in laga caawiyo codaynta, in shuruucda aan si isku mid ah loo raacayn mararka qaarkood (marka lagu dari tirinta codadka lagu murmay) iyo joogitaanka iyo soo faragelin mararka qaarkood ka imanaysay ciidammada amaanka ee qaar ka mid ah goobaha la booqday, in kasta oo goobjoogayaashu aanay arkin cabsi gelin baahsan.

Xaddidaadda ay xaddidnayd aqoonta doorashada ee dadka loo gudbiyay ayaa laga yaabaa in ay raad ku lahayd cod bixinta iyada oo cod bixiyeyaashu ay u muuqdeen qaar aan hubin sida loo codaynayo, goobjoogayaashu waxa ay hoosta ka xarriiqeen warbixino sheegaya carqalado, tusaale ahaan sababay in la joojiyo cod bixinta magaaladda Badhan ee bariga Somaliland.

Guud ahaan goob joogeyaashu waxa ay qiimeeyeen awoodda xirfadeed iyo hab-dhaqanka shaqaalaha doorashada oo guud ahaan ahaa mid wanaagsan, waxa aanu Somaliland ku hambalyaynaynaa qabashadda doorasho guud ahaan ahayd mid si nabagdleyo ah ku dhacday, isla markaana si wanaagsan loo nidaamiyay. Goobjoogayaashu waxa ay soo saari doonaan warbixintoodda kama danbaysta ah qaybta hore ee sannadka 2018-ka.”