Balaadhinta dekeda BerberaBerbera(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo maalintii labaad ku sugan gobolka Saaxil ayaa maanta soo kormeeray goobo muhiima oo ay ka socoto hawlaha horumarinta gobolka, sidoo kalena waxa uu dhagax dhigay dhismaha Wasaaradda Deegaanku ku yeelan doonto gobolka.
Qoraal la xidhiidha kormeerka Madaxweynaha ee Berbera, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynuhu waxa uu ugu horayn soo kormeeray dekeda berbera oo ay ka socoto hawl baaxad leh oo sidii caadada u ahayd ay ku balaadhinayaan maalmulka dekedu.

waxaanay noqonaysa markii labaad ee uu madaxweynuhu ka soo qaybgalo balaadhinta dekeda oo sidan oo kale ay hawli uga socoto iyada oo aynu xasuusanahay in maalintan maalinteedii oo ahayd bishii hore 24/01/2015 uu madaxweynuhu ka qaybgalay xaflad aad u balaadhan oo loo qabtay wejigii koowaad ee balaadhinta barxada weyn ee dekeda, nasiib wanaagse uu maanta oo taariikhdu tahay 24/02/2015 kuna beegan maalinta maalinteedii uu kormeer ku soo maro madaxweynuhu.

berberamadaxweynahaiyowaxaana halkaasi warbixin ka siiyey madaxweynaha Maareeyaha Dekeda berbera Eng cali Xoor-xoor oo ka war bixiyey wejigan labaadna cida kala shaqaynaysa oo ah Geelle A, oo ka kooban 400 oo nin balse 80 ka mida ay maanta shaqaynayaan, iyagoon kharash doonayn dekeda iyo maamulkeeda toona, waxaanu sheegay Maareeyuhu in muddo 2 bilood gudahood ay ku dhamaystiridoonaan qaybtan labaad oo noqon doonta 3Higtar oo isugu jirta shub iyo quruxin.

Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay Maamulka dekeda ee uu hogaaminaayo Maareeye Cali Xoorxoor iyo shaqaalaha ku hawlan shaqan sida fiican ee wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay uga qaybqaateen wejigii labaad ee barxadan lagu balaadhinaayo, isaga oo madaxweynuhu ku hambalyeeyey, muwaadiniintaasi sida qiimaha leh ee ay shacbiga u tuseen inay waxqabsan karaan hadii la isu tago.
Mashaariicda Dawlada Hoose iyo dhagax dhiga wasaarada Deegaanka

Balaadhintadekeda2Madaxweynuhu waxa uu halkaas uga sii gudbay oo uu xadhiga ka jaray waddo 8 Km oo casri ah waa nooca asfalka looyaqaane, taasi oo noqotay mid iyana sidoo kale muddo bil gudeheed ah ay ku dhamaystiraan maamulka dawlada hoose ee uu hormuudka ka yahay maayar Cabdi Shakuur Maxamed Xasan Cidin oo noqday maayarkii ugu horeeyey ee Gobolkiisa ka hirgeliya waddo noocan oo kale ah oo dhererkeeduna tahay 8km, waxaanu wasiirka Arrimaha guduhu halkaa ka cadeeyey in maamulka dawlada hoose gaar ahaan duqa caasimadu uu yahay masuul ay ku dheehan tahay hawlkarnimo iyo dedaal dheeraadi, waxaanan madaxweyne kaa codsanayaa aniga oo kaa wakiil ah inaad ii ogolaato in aan gudoonsiyo shahaadadii hawlkarnimada, waxa sidaa yidhi wasiirka Arrimaha gudaha somaliland mudane Warancade.

Balaadhintadekeda3wadadan oo ahayd markii uu madaxweynuhu dhagaxa dhigay bil ka hore taariikhduna ahayd 24/01/2015 maanta oo ay tahay taariikhdu 24/02/2015 xadhiga laga jaray iyada oo dhamaystiran waa guul muhiima oo u soo hooyatay gobolka saaxil muujinaysana horumarka balaadhan ee ka socda gobolka.

Madaxweynuhuna waxa uu ku hambalyeeyey maamulka dawlada hoose iyo duqa berberaba, sida qiimaha badan ee qadarinta iyo halkarnimadu ku dheehan tahay ee ay isaga xilsaareen ugana gaadhsiiyeen in xadhiga laga jaro bil gudeheed waddo intaasi leeg oo aynu qiimeheeda wada garanayno.

MadaxweynahaBerbera2
ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu dhagax-dhigay dhisamaha wasaaradda Deegaanku ku yeelan doonto gobolka saaxil, waxaana si wada jira u dhagax dhigay wasiirka deegaanka marwo shukri Bandarre iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo.
ALLAA MAHED LEH

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews