Araweelo News Network

Muqdisho(ANN) – Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ugu baaqay jamhuuriyadda Somaliland iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntiland in ay joojiyaan dagaallada, wixii khilaaf ah ee u dhexeeyana ay ku dhammeeyaan wada hadal.

“Looma baahna in dhiig dad Soomaaliyeed la daadiyo. Looma Baahna in dhiig dad Muslim ah la daadiyo. Maanta waaya arag beynu dhowr iyo labaatan sano u nahay dhibaatada uu dagaal leeyahay. Dagaal waxaa la ogaaday in aan lagu kala adkaan karin. Walaalayaalow hala iska daayo in wax wanaag lagu heli karo lagu raadiyo dagaal iyo Cunfi”, ayuu yidhi  Mudane Mahdi Maxamed Guuleed sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa oo soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network.

Mudane Mahdi ayaa Odayaasha iyo Salaadiinta ka codsaday in ay u istaagaan sidii ay uga shaqeyn lahaayeen nabadeynta dhincayada dagaalku u dhexeeyo si looga baaqsado dhiig kale oo daata.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xukuumadda Somaliland Iyo Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntilad sidoo kale ka codsaday in joojiyaan hadalada xanafta leh ee naceynbka iyo Cunfiga ku abuuraya shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah..

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so