Muqdisho (ANN)-Wefdi ka socda Qaramada midoobay iyo Midawga Afrika oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Marwo Amina Mohamed iyo Ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabilsan arrimaha haweenka nabadda iyo amniga, MMe Bineta Diop, ayaa gaadhay maanta magaalada Muqdisho ee xarunta dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

wafdiga, ayaa kulan la qaatay Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo xafiiskiisa ku qaabilay. sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, waxa kulanka ay wada qaateen Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdiga ka socday Qaramada midoobay iyo midawga Afrika goob joog ka ahayd wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka DFS, walaw aanay saxaafadu goob-joog ka ahayn.


Faah-faahin lagama bixin ujeedada dhabta ah ee wefdiga, balse waxa lagu xusay qoraalka in kulankaa lagaga hadlay dhismaha nabadda, xallinta khilaafaadka iyo sare u qaadidda doorka haweenka ee ka qeyb galka siyaasadda.

Marwo Amina Mohamed iyo MMe Bineta Diop ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta, waxayana bogaadiyeen Xukuumadda Federaalka, sida lagu xusay qoraalkaa.