Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Guddida qaban-qaabada Shirweynaha Afraad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in shuruuddaha looga baahnaa tartamayaasha ee hore loo shaaciyay todobaadkii hore wax-ka-beddel lagu sameeyey mid kamid ah shuruudihii hore loogu xidhay murrashaxiinta u tartamaysa jagooyinka Guddoomiye-ku-xigeennada 1-aad, 2-aad, 3-aad iyo 4-aad ee xisbiga KULMIYE.

Af-hayeenka guddida qabanqaabada Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa warbaahinta u sheegay maanta in shurruuddaha ay hore u shaaciyeen todobaadkii hore ee lagu xidhay murrashaxiinta shirwaynaha Afraad ee Xisbiga Kulmiye lagu dooranayo wax-ka-beddel lagu sameeyay, sida Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku xigeenada koowaad, Labaad, saddexaad iyo Afraad la bdelay qodobka ka hadlaya mudada uu Xisbiga ka mid ahaa.

Guddoomiyaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa warbaahinta in qodobka hore ee ahaa sidan:-

1, Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga iyo guddoomiye-kuxigeennadu uu 10-kii sannadood ee u dambeeyey ahaa xisbiga KULMIYE, la khafiifiyay, isla markaana laga dhigay inuu shantii sannadood ee u danbeeyay ka mid ahaa Xibsiga KULMIYE.

Cabdikariin Xinif, ayaa sheegay in qodobkaa la khafiifiyay uu ka dhashay, kaddib markii taageerayaasha Xisbiga ay ka dareen celiyeen qodobkaa.

Qodoboada kale ee Shurruuddaha guddida qaban-qaabadu hore u shaacisay ma sheegin in wax laga beddelay, waxayna ahaayeen shurruuddaha hore marka laga reebo qodobkaa kuwan hoos ku qoran:-

2- Xubinta u tartamaysa guddoomiyaha iyo ku-xigeennada xisbigu waa in aannu ahayn xubin ka baxay xisbiga, haddana kusoo noqday.

3-Mussharrixinta guddoomiyaha iyo ku xigeenka u tartamaysaa waa inay labadii sannadood ee ugu dambeeyey dalka deggenaayeen oo ay joogeen.

4.Xubin kasta oo u tartamaysa guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waa inay bixisaa 129,000,000 (boqol iyo sagaal iyo labaatan milyan ) oo shilinka Somaliland ah oo aan soo celin lahayn.

5-Xubin kasta oo u tartamaysa, guddoomiye-ku-xigeennada koowaad, labaad, saddexaad iyo afraad, waa inay bixiyaan 86000,000 (Lix iyo siddeetan milyan) oo Somaliland shilin ah oo aan soo celin lahayn.

6-lacagtaasi waa in lagu bixiyaa ugu dambayn bisha September 2020 (sagaalaad) shanteeda, wixii faahfaahin ahna waxa lagala xidhiidhayaa guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE.

7-Murarrashaxu waa innuu soo gudbiyaa codsigiisa oo qoraal ah iyo jagaqada uu u sharraxan yahay.

8-Murashaxu waa innuu soo gudbiyaa warqaddaha denbi la’aanta iyo caafimaadka.

Qoraalka danbe ee wax-ka-bedelka lagu sameeyay qodobka ka hadlaya shurruudda koowaad ee murrashaxiinta hoggaanka sare ee Xisbiga.

Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, ayaa shantii sannadoodba mar la qabtaa, waxaana lagu soo doortaa hoggaanka sare ee Xisbiga, isla markaana waxa kasoo baxa Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe, sidaa awgeed Guddoomiyaha Guddida Qaban-qaabada Cabdikariin Maxamed Xinif, wuxuu sheegay in shirweynaha Afraadna ay kasoo baxayaan hoggaankii iyo Hay’addihii shanta sannadood ee soo socda hoggaamin lahaa Xisbiga.

Dhinaca kale, Xisbiga Kulmiye oo ah xisbul xaakimka haya talada dalka Somaliland,isla markaana ah Xisbi 18 Jirsaday, wuxuu noqonayaa Xisbiga markii labaad ku guulaystay in dib loogu doorto hoggaaminta talada dalka.

AKHRI: Somaliland:  KUL MIYE Oo Shaaciyay Shuuraddaha Ku Xidhan Tartanka Hoggaanka Xisbiga

Xisbiga KULMIYE, ee  shaaciyay inuu qabanayo shirweynihiisa Afraad ee uu yeesho tan markii la aasaasay bishii May ee sannadkii 2002. Xilligaa oo ahayd markii ay Jamhuuriyadda Somaliland ka guurtay nidaam beeleedkii doorashooyinka ee ku meel-gaadhka ahaa ee u guurtay nidaamka doorashooyinka hal cod iyo hal qof (One Vote One Person), isla markaana la hirgeliyay nidaanka xisbiyada Somaliland.

AKHRI: Xisbiga KULMIYE Oo Shaaciyay Shirweynihiisa Afraad