Doha (ANN)- Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii 4-aad safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey kulamo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Qatar; Maamulka sare ee Hayโadda Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund) iyo Hayโadda Qatar Al-Khayriya (Qatar Charity).
Kulammaduna waxa ay u dhaceen sidan soo socota:
๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ฎ-๐๐๐ฐ๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan diblumaasiyadeed la yeesheen Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mudane Dr. Maxammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi.
Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay si cad hoosta uga xarriiqeen in Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee ka tirsanayn Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay tahay dal ka madax bannaan oo iskeed isu xukumayey 34-kii sano ee ugu dambeeyey.
Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayey waaqiciga xagga diblumaasiyadda ah iyo xidhiidhka togan ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.
๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan wax-ku-ool-ah la yeesheen Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Dawladda Qatar, Mudane Dr. Axmed Maxammed Al-,Sayed.
Wadahadalka ayaa waxa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya labada dhinac iyo weliba soo jiidashada Maalgashiga Qatar, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Batroolka iyo Macdanta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.
Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Qatar u iftiimiyeen xaaladaha ganacsi ee fur-furan ee ka jira Somaliland kuwaasi oo la isku hallayn karo, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) oo halbowle u ah isku-xidhka ganacsiga caalamka.
๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ง๐๐ฎ๐ฎ๐ช๐ ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan midho-dhal ah la yeesheen maamulka sare ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund-QDF).
Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen taageerada uu Sanduuqa Horumarinta Qatar uu ka gaysan karo horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha biyaha, iyo xoojinta shaqo abuurka iyo kobcinta farsamada gacanta ee dhalinyarada Somaliland.
Weftigu waxa ay iftiimiyeen sida ay Somaliland uga goโan tahay iskaashi horumarineed oo hufan, waxa aanay soo dhaweeyeen iskaashi mustaqbalka dhex mara labada dhinac kaasi oo ku wajahan horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo horumarinta kobac waara oo aayatiin wacan u leh labada dal.
๐. ๐๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ฒ’๐๐๐๐ ๐๐๐ญ๐๐ซ ๐๐-๐๐ก๐๐ฒ๐ซ๐ข๐ฒ๐:
Sida oo kale, weftigii Somaliland ee ku sugnaa Qatar waxa kale oo ay kulan muhiim ah la yeesheen masuulka ugu sarreeya Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity), Mudane Yuusuf Ibn Ahmed Alkawaary. Weftigu waxa ay Hayโadda Qatar Al-Khayriya uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniaadannimo ee ay Hayโaddu ka fuliso Somaliland.
Dhammaan arrimihii labada dhinac ay ka wada hadleen si weyn baa la isugu af gartay. Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity) waxa ay dhinacooda ballan qaateen in ay sii labanlaabi doonaan hawlaha gargaarka biniโaadannimo iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ)
๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐