Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga oo xafiiskiisa ku qaabilay Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland 16 Oct, 2015.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga oo xafiiskiisa ku qaabilay Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland 16 Oct, 2015.

 

Nairobi(ANN)Guddoomiyayaasha Maxkamaddaha sare ee labada Dal ee Somaliland iyo Kenya, ayaa kulan gaaban ku qaatay Caasimadda Kenya ee Nairobi. kadib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo Safar shaqo ku joogay maalmihii u danbeeyay Magaaladda Nairobi.

 

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga oo xafiiskiisa ku qaabilay Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland 16 Oct, 2015.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga oo xafiiskiisa ku qaabilay Prof. Adam Xaaji-Cali Axmed oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland 16 Oct, 2015.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Kenya Dr. Willy Mutunga ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Jamhuuriyada Somaliland. Dr. Willy Mutunga waxa uu Hadiyay u siiyay Dastuurka dalka Kenya Gudoomiyaha Maxkamada Sare Jamhuuriyada Somaliland oo kulankiisu la xidhiidhay booqasho iyo isbarasho.

Labada Guddoomiye waxay ka sheekaysteen xidhiidh iskaashi oo dhexmara iyo walliba sidii ay Somaliland wax uga baran lahayd nidaamka Garsoorka Kenya oo aad u hormarsan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Somaliland ayaa intii uu joogay Kenya ka qayb galay laba shir oo caalami ah. Shirka hore waxa uu ku saabsanaa “Shuruuucda oo la is waydaarsadaa doorka ay ka ciyaarto xoojinta Dawlanimo sharci ku dhisan iyo maamulka ku dhisan hanaanka Axsaabta badan ee Qaarada Africa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380